Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
    Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Muhiimadda Mashruuca Dekedda Hobyo (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Muhiimadda Mashruuca Dekedda Hobyo (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Muhiimadda Mashruuca Dekedda Hobyo (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 22, 2024
6 Min Read
Share

Sanadihii u dambeeyay, shirkadaha dhismaha ee Turkiga ayaa ku soo badanayay mashaariicda la xiriira howlaha dekedaha iyo badda ee Afrika. Shirkadda Summa Construction ayaa hadda heysa dadaalkeeda ku aaddan mashaariicda garoomada diyaaradaha ee Nigeria, halka Metag Holding, oo fadhigeedu yahay Ankara, ay saxiixday heshiis lagu horumarinayo dekedda Hobyo, oo ah dekedda labaad ee ugu weyn Soomaaliya, iyadoo lagu maalgelinayo lacag bilowga $70 Milyan.

Shirkadaha Turkiga ayaa fiiro gaar ah u yeelanaya ka qayb qaadashada horumarinta howlaha badda ee qaaradda. Heshiiska Metag Holding ee dhawaantan la kala saxiixday ayaa ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa Dekedda Muqdisho oo halbowle u ah ganacsiga Soomaaliya, iyada oo lala kaashanayo Shirkadda Maalgashiga Hobyo ee wadaniga ah, Maalgelinta Metag waxa ay u beddeli doontaa Dekedda Hobyo xarun ganacsi oo heer gobol ah, taasi oo yarayneysa culeyska ka jira Dekedda Muqdisho, iyada oo sidoo kale bixin doonta waddo kale oo Itoobiya iyo Jabuuti ah. Dekadda Hobyo oo ku taalla deegaannada Galmudug oo ay ku nool yihiin dadyow fara badan ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta isku xirka badda iyo Berriga.

Axmed Cabdi Kaariye, Madaxa Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda mashruucan, isagoo yiri “Dekeddani kaliya ma kicinayso dhaqaalaha gobolka, balse sidoo kale waxay kor u qaadi doontaa ganacsiga iyo isku xirka, taasoo faa’iido u leh guud ahaan Qaranka”. Heshiiska waxaa ku jira muddo 80 sano ah oo ay shaqeyneyso, iyadoo Metag ay maamuli doonto dekedda, waxana la filayaa in ay hirgasho ka dib muddo seddex sano ah oo dhismo ah. Mashruuca Hobyo ayaa dhowr sano laga tashanayey, iyadoo ay daneynayeen shirkado ay Qatar taageerto sanadka 2020-kii, si ay u yeeshaan iskaashi dowladeed iyo mid gaar ah oo aan ugu dambeyntii hirgelin. Maalgelinta joogtada ah ee kaabayaasha badda Soomaaliya ee ku lug lahaanshaha Turkiga ee Gaadiidka badda Soomaaliya ayaa la xoojiyay, iyada oo kaashanaysa shirkadda Metag iyo maamulka dekedda Muqdisho shirkadda Albayrak Group ee laga leeyahay dalka Turkiga. Dekeddu waxay u adeegtaa sidii xudunta u ah shixnadaha badda ee Soomaaliya, waxaana gacanta ku haysay shirkadda Albayrak tan iyo sannadkii 2014-kii, markaasoo ay heshay 20 sano oo xuquuq shaqo ah mashruuca Alport Muqdisho.

Dekadda Muqdisho oo ku taal Istiraatiijiyad ku taal Bariga Afrika, waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay albaabka ugu weyn ee Soomaaliya laga soo galo ee dhinaca ganacsiga caalamiga ah. Toddobaadkii hore, waxaan sidoo kale ogaanay in Summa Construction ay ku howlan tahay wadahadalo rasmi ah oo ku saabsan mashruuc garoon diyaaradeed oo Nigeria ah. Ka dib mashaariicda garoommada diyaaradaha ee lagu guuleystay ee Niger, Senegal, Guinea-Bissau, iyo Sierra Leone, Summa waxay hadda wadaa mashruuca Lekki-Epe International Airport ee Nigeria oo la qorsheeyay. Barasaabka Gobolka Lagos Babajide Sanwo-Olu ayaa dhawaan booqday Türkiye, si uu hindisahan ugala hadlo Selim Bora, gudoomiyaha Summa.

Ka dib markii ay dhamaystirtay mashruucii ugu horreeyay ee garoon diyaaradeed ee Afrika garoonka Blaise Diagne ee Senegal 2017-kii, Summa waxay sii waday inay ballaariso raadkeeda mashaariicda Niger ee 2019-kii, Diffa International Airport ee 2021-kii, iyo Freetown International Airport ee Sierra Leone sannadkii hore.  Shirkaddu waxay sidoo kale horumarinaysaa mashruuca garoonka caalamiga ah ee Osvaldo Vieira ee Guinea-Bissau, kaasoo bilaabmay 2023-kii, iyadoo shirkadaha Turkiga ay sii qoto dheereynayaan ka-qaybgalkooda horumarinta kaabayaasha Afrika, suurtagalnimada kobaca iyo iskaashiga ayaa weli ah mid muhiim ah, gaar ahaan qeybaha duulista iyo badda.

Dhinaca kale shirkadaha Turkiye oo hadda jooga Soomaaliya ayaa waxaa ku soo biiraya kuwa ku howlan sidii loo baari lahaa, islamarkaana loo saari lahaa shidaalka hoos ceegaaga Badda iyo Berriga Soomaaliya, axaana dhawaan la filaayaa inuu soo gaaro xeebaha dalka Maraakiibtii howshaasi fulin laheyd, waxaana la sheegayaa in Baarista ee Turkida billaabi doonaan waa dhammays-tirka howshii baarista ee hore:

  1. Tii Soma Oil and Gas oo ay u sahmisay SeaBird Exploration, iyo
  2. Tii labaad ee Spectrum Spa sahmisay oo buuxisay meelo ka soo haray tii hore, iyo Aaggii Shell – ExxonMobil ee badda.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aysan jirin shirkad si gaar ah oo heshiis loola galay oo soo saaareysa shidaalka dalkeena, balse uu jiro tartan furasn oo fursad u ah shirkadaha caalamiga ah. “ Deegaanno ka mid ah Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya waxaa ku jira ama dhex ceegaaga Gaas iyo Batrool is dul saran, lagamana helo caalamka shidaal noocaas oo kale ah”.

Turkida waxay sammeynayaan Sahan Saysmika ah ee 3-D ah, si ay u helaan meesha ugu habboon oo ceel lagu qodi karo, si aan loo waayin shidaalka. “Bisha Febraayo 2025-ka waxaa shidaalkii ugu horreeyay laga qodi doonaa deegaanka Cigo ee Degmada Ceeldheer ee Bariga Gobolka Galguduud ee Maamulka Galmudug”, sidaasi waxaa yiri:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Maxamed Xaashi Carbeey.

Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dabayaaqada sannadkan 2024-ka billowdo qodista Ceelkii shidaalkii ee ugu horreeyay dalka laga soo saaro, iyadoo shirkadda qandaraaska lagu siiya ay durba bilowday in ay asteyso meesha ugu haboon ee laga duleelin karo Ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga soo saari doono, kaasi oo ku yaal Aagga ku aadan xeebta Mareeg ee Degmada Ceeldheer, Degmada Xarardheere iyo Degmada Hobyo, kuwaasi oo ka kala  tirsan gobolka Galguduud iyo Mudug.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Muqdisho,(SONNA):- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo Akademiyada Goboleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wajiga 2-aad ee la dagaalanka Khawaarijta oo ka bilowday Jiinka Webiga Shabeelle (WARBIXIN)

Bacdamaa uu so Af jarmayo Wajigii 1-aad ee Dagaalka lagu ciribtirayo Kooxda sii liiceysa oo gabalkoodu dhacayo ayaa hadda waxaa…

GudahaMaqaallada
April 8, 2023

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo kulan la yeeshay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta waxaan kulan miro dhal ah la qaatay danjiraha…

GudahaWararka
March 12, 2023

Soomaaliya oo xarunta QM ku qabanayso shir ku saabsan amniga Soomaaliya

New York(SONNA):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ku qabanaysa xarunta golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku…

GudahaWararka
December 12, 2023

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho...SONNA... Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Saadiq Aaden Cali (Duudishe) oo goobta qaraxa tagay ayaa warbaahinta uga warbixiyay khasaarah ka dhashay…

GudahaWararka
July 10, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023