Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo akhrinta 1-aad mariyay hindise sharciyeedyo muhiim ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo akhrinta 1-aad mariyay hindise sharciyeedyo muhiim ah
GudahaWararka

Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo akhrinta 1-aad mariyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

By Bile
Last updated: January 20, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Marwo. Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 11-aad ee Golaha Shacabka BJFS, waxaana sidoo kale goob joog ahaa Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa:

1) Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed (SARIS)

2) Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka.

3) Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

4) Qeybinta Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.

5) Qeybinta Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed

6) Qeybinta Heshiiska Ku-Biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC)

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Beeraha XFS Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa Mudanayaasha Golaha kahor Akhriyay Hindise-Sharciyeedka Hay’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed (SARIS), Hindise -Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka iyo Hindise -Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed. Si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, Xildhibaannada ayaa mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedka weydiyey Wasiir dawlaha Wasaaradda Beeraha. Intaas kadib wasiir dowlaha ayaa faafaahin ka bixiyey su’aalahii la weydiyey .

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, oo soo xirtay kulanka maanta ayaa fartay xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in uu ku wareejiyo Hindise-Sharciyeedyada maray akhrinta 1-aad Guddiga Beeraha, Hormarinta Reer-Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka Badda.

TAGGED:Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo akhrinta 1-aad mariyay hindise sharciyeedyo muhiim ah
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgalka dhan ah Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Koofur Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka…

GudahaWararka
May 17, 2025

Shirweyne lagu heshiisiinayo beelaha Daga Galbeedka Mudug oo lagu qabtay Goldogob

Muqdisho:(SONNA)-Wajigii Labaad Shirweynaha Dib Uheshiisinta Beelaha Daga Galbeedka Gobalka Mudug oo ka Furmay Degmada Goldogob ayaa Waxaa Ka Qeyb Galay…

Wararka
June 30, 2020

Ururka dhalinyarada Hirshabeelle oo ku howllan dayactirka  biya xireenada wabiga

Ururka dhalinyarada hirshabeele ayaa Sheegay in ay ku howlanyan yihiin dayactirka biyo xereenada looga hortagaayo fataahadaha wabiga Shabeele  ee ku…

Wararka
January 14, 2020

NISA ayaa caawa hawlgal Qorshaysan ka fulisay Caasimada Muqdisho.

Muqdisho (SONNA)-NISA ayaa caawa hawlgal Qorshaysan ka fulisay Caasimada Muqdisho. "Howlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 sargaal oo…

Gudaha
December 1, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023