Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq oo Baqdaad uga qayb galay shir muhiim ah
    December 10, 2025
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulantay danjiraha Maraykanka
    December 10, 2025
    Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmada Cabdicasiis oo ay ka socota qaadashada kaarka codbixinta
    December 10, 2025
    Wasiirro kormeeray degmada Boondheere oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta
    December 10, 2025
    Dowladda iyo ganacsatada oo wadajir u dardargelinaya fulinta qorshaha isbeddelka Qaranka 
    December 10, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Golaha Shacabka oo ansixiyey wax ka beddelka Hindise-Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Golaha Shacabka oo ansixiyey wax ka beddelka Hindise-Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed
GudahaWararka

Golaha Shacabka oo ansixiyey wax ka beddelka Hindise-Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed

By Abdulkadir
Last updated: December 8, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii 19-aad ee Kalfadhiga 7-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horreyn, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad oo kulanka furay ayaa akhriyey baaq nabadeed oo uu Guddoonka Golaha Shacabka u diray shacabka Gobolka Awdal, gaar ahaan dhacdadii ka dhacday magaalada Boorama.

Intaas kaddib, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Haaruun, ayaa kulanka ka hor akhriyey soo jeedin ku saabsan waafaqidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee wax ka beddelka Hindise-Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday, waxaana oggolaaday 140 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, halka afar Xildhibaan ay ka aamuseen.

Dhinaca kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Dambiyada Seybar-ka Soomaaliya oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maadaama hindise-sharciyeedkani marayey akhrinta koowaad, looma furin dood guud, hase yeeshee qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada weydiiyey su’aalo la xiriira mabaadi’da guud iyo saameynta miisaaniyadeed ee hindise-sharciyeedka.

Ugu dambayn, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka inay soo diyaariyaan akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka, islamarkaana golaha dib ugu soo celiyaan si dood loogu yeesho.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq oo Baqdaad uga qayb galay shir muhiim ah

Baqdaad (SONNA): Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq danjire Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa…

December 10, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Kenya

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Aqalka Madaxtooyada dalka Kenya, kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi,…

GudahaWararka
October 22, 2024

Wasiir Fiqi oo guddoomiyay kulan heer Wasiir ah oo ay ka soo qeyb galeen Hey’adaha OCHA iyo FOA

Muqdisho, (SONNA):- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta guddoomiyay kulan heer…

GudahaWararka
March 7, 2024

Ra’iisulwasaare Rooble oo booqday xarumo ku yaalla degmada Balcad+Sawirro

Balcad-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga degmada Balcad ayaa booqday Isbitaalka guud ee Balcad iyo qeybo…

GudahaWararka
November 11, 2021

Wasaaradda ciyaaraha oo amartay shaqo ka joojinta Guddoomiyaha xiriirka cayaaraha fudud

Muqdisho (SONNA): Wasaraadda dhallinyarada iyo ciyaaraha dowladda FS ayaa xiriirka Olombikada Qaranka ku amartay in shaqo ka joojin lagu sameeyo…

CiyaarahaGudahaWararka
August 2, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023