Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
    Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Mudada qabashada araajida shirkadaha diyaaradaha ee qaadi doona Xujeyda oo la kordhiyay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Mudada qabashada araajida shirkadaha diyaaradaha ee qaadi doona Xujeyda oo la kordhiyay
GudahaWararka

Mudada qabashada araajida shirkadaha diyaaradaha ee qaadi doona Xujeyda oo la kordhiyay

By Khadar Mahdi
Last updated: September 27, 2024
3 Min Read
Share

Muqdish, (SONNA): Guddiga Tartansiinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa kordhiyay mudada qabashada araajida tartanka shirkadaha diyaaradaha ee qaadi doona Xujayda Soomaaliyeed ee sanadkan 1446/2025.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in uu furan yahay tartanka daabulka Xujeyda, waxaana shirkadaha diyaaradaha ee daneynaya ka qeybgalka tartankan lagu wargeliyay inay soo gudbiyaan araajidooda inta lagu guda jiro mudada cusub ee lagu kordhiyay.

Shuruudaha lagama maarmaanka ah ee shirkadaha ka qeybgalaya tartanka ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka, waxaana ka mid ah:

1- Shirkadda waa inay soo gudbisaa codsi qoraal Af Soomaali ah oo uu saxiixay maamulaha shirkadda.

2- Shirkaddu waa inay soo gudbisaa sooyaal shaqo oo Af Soomaali ah, kuna cad yihiin cinwaannada iyo xafiisyada shirkadda.

3- Shirkaddu waa inay leedahay xafiis shaqeeya oo ku yaalla gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

4- Waa in shirkaddu leedahay khibrad shaqo ugu yaraan shan sano ah oo ku saabsan daabulka Xujeyda.

5- Shirkaddu waa inay ku jirtaa caymis aan dhacsaneyn oo ay soo gudbiso nuqul kamid ah heshiiska caymiska.

6- Shirkadda lama doonayo inay horey Maxkamad xukun ciqaabeed ugu ridday shantii sano ee ugu dambeysay.

7- Waa in shirkaddu haysato ruqsad duulimaad oo ka timid Hay’adda Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed iyo shati ganacsi oo aan dhacsaneyn.

8- Shirkad walba waa inay tahay canshuur bixiye oo soo gudbisaa waraqadda canshuur bixinta Wasaaradda Maaliyadda.

9- Shirkaddu waa inay ku magac gooni ah tahay oo aanay la magac noqon shirkad kale oo tartanka ka qeyb galeysa.

10- Shirkaddu waa inay soo gudbisaa dhaq-dhaqaaq xisaabeedkeeda bangiga (Bank Statement) lixdii bilood ee ugu dambeysey.

11. In ay Shirkaddu haysato ugu yeraan 4 Diyaaradood, soona caddeysaa qaadkooda noocooda iyo guud ahaan badqabka Diyaaradaheeda (Documents).

12. In ay shirkaddu soo gudbiso ruqsadda duulimaadka tooska ah ee ay ka heysato Soomaaliya iyo Sacuudiga.

13. In ay shirkaddu u sameyso Xujeyda Soomaaliyeed duulimaadyo toos ah oo aan sii mareynin, soona mareynin dal kale.

14. In ay shirkaddu diyaar u tahay dhigista dammaanad lacageed oo dhan 25% gund ahaan tikidka xaajiga Soomaaliyeed, taasoo u soo noqaneysa Shirkadda marka ay gudato waajibaadkeeda shaqo.

15. In ay shirkaddu ka daabuli karto xujeyda Soomaaliyeed Garoomada diyaaradaha ee loo cayimay, kuna yaalla gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

16. In ay shirkaddu soo gudbiso qiimaha ugu yar ee kama dambeysta ah ee sicirka tikidka xaajiga Soomaaliyeed sanadka 1446/2025

17. Shirkaddii ku guuleysata adeegga daabulka Xujeyda Soomaaliyeed waxey heshiis shaqo la galeysan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta JFS.

18. Shirkadaha daneynaya ka qeybgalka tartanka waxay araajidooda kusoo hagaajinayaan Xafiiska Waaxda Arrimaha Xajka iyo Cummada ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta (hard copy), ayadoo lagu soo xirayo gal-xiran (bashkhad) sidoo kale waxay nuqul ka mid ah kusoo dirayaan Emailka. dg@mera.gov.so

19. Soo gudbinta Araajida waxay ka bilaabaneysaa Axad 23. 09. 2024, waxeyna ku egtahay maalin axada 29/09/2024.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Muqdisho,(SONNA):- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo Akademiyada Goboleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Itoobiya oo wada saxiixay cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca MoU

Addis Ababa (SONNA):- Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya mudane…

CaalamkaGudahaWararka
December 7, 2023

Wasiirada maaliyadda iyo qorsheynta oo ka wada hadlay arrimo ku saabsan shaqo abuurka

Wasiirada maaliyadda iyo qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka wada hadlay ahmiyadda ay leedahay…

Gudaha
March 27, 2021

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay gudoomiyaha Baarlamaanka Aljeeriya

Algiers (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan miro-dhal ah…

GudahaWararka
May 5, 2025

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo guddoomiyay kulan ay yeesheen Guddiga Qaran ee Gurmadka roobabka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay kulankii u horreeyey ee Guddiga Qaran ee…

GudahaWararka
November 11, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023