Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay gudoomiyaha Baarlamaanka Aljeeriya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay gudoomiyaha Baarlamaanka Aljeeriya
GudahaWararka

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay gudoomiyaha Baarlamaanka Aljeeriya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 5, 2025
2 Min Read
Share

Algiers (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan miro-dhal ah magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Aljeeriya mudane Ibrahim Boughali, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaannada Carabta.

Kulanka ayaa ka dhacay xilli uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ku sugan yahay dalka Aljeeriya si uu uga qeyb galo Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Wadamada Carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria, Mudane Ibrahim Boughali, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa, isagoo uga mahadceliyay ka qeybgalka shirka iyo xoojinta xiriirka labada baarlamaan. Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan lagu xoojin karo iskaashiga baarlamaannada labada dal, isaga oo sidoo kale bogaadiyay doorka firfircoon ee Soomaaliya ka qaadato arrimaha xasiloonida iyo horumarka dalalka Carabta.

Dhinaciisa, Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Algeria martigelinta shirka iyo soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa. Wuxuu muujiyay sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Algeria, gaar ahaan dhanka baarlamaannada.

Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah u amaanay doorka Aljeeriya ee taageerada ay siiso arrimaha Carabta, isagoo xusay in iskaashiga labada baarlamaan uu fure u yahay isdhaafsiga waayo-aragnimada, aqoonta sharci-dejinta iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab.

Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada baarlamaan, iyadoo lagu saleynayo danaha guud iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiiradda Caafimaadka oo tababar u soo xirtay shaqaale Caafimaad

SONNA (MUQDISHO)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Fadraalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo xiratay tababar mudo afar bilood ah la…

GudahaWararka
January 25, 2022

10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Jubbooyinka 

Muqdisho, 20 December 2023: Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa lagu dilay 10…

GudahaWararka
December 20, 2023

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo tababar u furtay shaqaalaha xarumaha caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlad Goboleedka Galmudug  ayaa tabarkan oo soconayo mudo shan maalin ah magaalada Samareeb uga furtay…

Wararka
February 25, 2021

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Xildhibaanadii shalay lagu doortay magaalada Jowhar

Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta casuumaad qado sharaf ugu sameeyay xarunta madaxtooyada Hirshabeelle Xildhibaanadii Golaha…

GudahaWararka
February 1, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023