Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Mucaaradoow ma idin ka yeeli doonno! (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Mucaaradoow ma idin ka yeeli doonno! (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Mucaaradoow ma idin ka yeeli doonno! (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 22, 2025
9 Min Read
Share

Dowladaan kama duwana Dowladaha Adduunka oo waa lagu dhaliili karaa wax yaabaha ay ka gaabisay Daruuf iyo Farsamo xumo teey doon taba ha sababtee; balse waa in la qira in ay hool wanaagsan ka qabatay Dalka walina aragti ka leedahay hogaaminta dalka waana sababta ay qorshayaal keeda bulshada ugu soo bandhigayso.

Xoreynta Dalka wax weyn ayay ka qabatay, taaso suuragalisay isku socodka Dhul masaafo ahaan aad u kala fog. Amniga Caasimada way xaqiijisay waana Sababta eey hadda xukuumada u leedahay waa in loo gudba in Amniga Xamar loo sugo sida Caasidamaha Adduunka.

“Mucaaradka waa inay aragti soo bandhigaan dalka ay ku hogaaminayaan, laakiin hub sharci daraa caasimada lagama saari karo, hadana haddii Amniga wax ka qaldamaan, Dowlada ku eedeeyna isma qabato”, sidaasi waxaa yiri Nasri Warsame oo ah siyaasi. Doorashada wixii ka qaldan waa in aragti Dastuuriya oo toosina lagu saxaa, laakin Dood saxa maaha lama haweysan karo Doorasho Qof iyo Coda oo anaga diidnay. Xukuumaada maxa “Mandate” loo siiyay haddey Dalka iyo Dadka u adeegi karin. Kuwa maanta mucaaradka siday shacabka oga dhaadhicin karaan anaga oo banaanka joogna ayaa wax qabanan doona haddii Kuwii Xukun ka joogay ee la doortay aysan Amniga iyo doorasha dalka wax ka qaban Karin”..!!

“Seddex ama Afar ka mid ah Muwaadiniintu ma diidi karaan Xuquuqda 20-ka Milyan ee kale, Tabashada iyo talo dhiibashada yaan la dhaafinin halkeeda, damaca iyo doonistana hallagu xakameeyo sharciga oo yaan xuduudka la Talaabin”, Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa sidaasi yiri.

“Dadka Xamar ku nool waxaa maanta muhiim u ah “maxaa haray?”, ee dan kama lahan “yaa haray?” Dadku waxay xiiso weyn u qabaan in loo sheego “howl hartay”, ee waxba kama galin in loo sheego “hebello haray”.

Siyaasiga xukun-doonka ahaw, dooddaadu ha ka jawaabto baahida dadweynaha, in ka badan intii ay ka jawaabi lahayd baahidaada. Dadka u sheeg wax haray oo aad u hayso, balse ha u xanaaqin oo ha u xiiqmin keliya in aad adigu tahay qofka “haray” ee ay tahay in uu dadka hoggaamiyo.

Muqdisho waxay ku naaloonaysa nabadgaliyo ku dhawaad Seddex sano jirta. Waxaa soo yaraaday cabsidii amni darro ee sannado badan xoogganeyd. Horumarka amni ee jirana wuxuu noqday halbeeg “standard” lagu qiimeeyo waxqabadka qofka loo dhiibo mas’uuliyadda amniga— oo markii ay hal dhacdo oo nabadgaliyada wiiqaysa timaado la isku canaanto “beryahan sidaan waa la dhaamay  ee maxaa qaldamay?!”

Duruufaha maanta waa ay ka duwan yihiin kuwii shalay jiray. Waxaan aragnaa dardargalin amni, diyaargarow doorasho, guulo diblumaasiyadeed iyo dadaallo kale. Balse doodda mucaaradku waa caro iyo cila-dhaan cirka ku shareeran. Sida doodooda iyo duruufaha maanta ay isu seeggan yihiin ayay iyaga iyo bulshadu isu seeggan yihiin. Sidaasi waxaa qaba Qoraa Soomaaliyeed Maxamed Dhaaleey.

Mucaaradoow ma idin ka yeeli doonno!

Waa qormo uu Bartiisa Bulshada ku qoray Shadoor Xaaji Maxamuud taasoo ku bilaabanayesay “Ma idin ka yeeli doonno Xasan Sheekh ma difaaco badda Soomaaliyeed, oo waxaan marqaati ka nahay dadaalkii uu ku bixiyey Iyo guushii uu ka gaaray murankii  Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Sannadkii 2024 mawqifkii caddaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sabab u ahaa in Itoobiya looga adkaado fagaarayaasha diblumaasiyadda caalamka, taas oo ku soo dhammaatay in MoU-gii ay Itoobiya lsaxiixatay Somaliland uu meesha ka baxo. Intaa waxaaba dheer in Dowladda Federaalka ay xiriir fiican la yeelato dalal   gobalka ku yaalla oo aysan Itoobiya isjeclayn sida Masar Iyo Eretriya”.

“Waxa uu qoraagu ku xusay qoraalkiisa “Ma idin ka yeeli doonno  Xassn Sheekh ayaa muddo kordhin raba oo waxaan u soo joognay in sannadkii 2016 kii siyaabo kala duwan loogu soo jeediyay inuu labo sano oo dheeraad ka ah muddo xileedkiisa ku darsado, soojeedinnadaas qaar waxay ka imanayeen beesha caalamka. Hase yeeshee madaxweyne Xasan ayaa diiday, wuxuuna galay doorashadii dadbanayd ee looga adkaaday”.

“Ma idin ka yeeli doonno Xasan Sheekh waxba ma qaban oo kuwa qaylinayo ayaa wax qaban karo. Waxaa  marag ma doonto ah amniga magaalada Muqdisho sida uu isku beddelay. Ma jiraa qof magaalada cabsi ku dhex socdo oo qarax ka baqayo? Ma jiraan baabuur ka baxaya boosteejooyinka Bakaaraha Iyo Saybiyaano oo wada dad u dacwoonaya maxkamadahii argagixisada ee goballada? Ma jirtaa canshuurtii argagixisada la siinayay iyadoo Kontaynarka aanu dekedda Xamar imaanin? Waxaan og nahay ilaa  700 KM la xoreeyay, cunaqabatayntii hubka la qaaday, Deyntii dalka cafinteeda la dhameystiray, Soomaaliyana ay xubin ka noqotay Bulshada Bariga Afrika. Sidoo kale wuxuu dalkeennu maanta 54 sano ka dib fadhiyaa Golihii Amaanka oo uu qeyb ka yahay go’aan-gaarista arrimaha caalamk”a.

“Ma idinka yeeli doonno Xassn Sheekh ayaa doorasho dadban ka baqaya oo waa kii laba jeer ku soo najaxay haddana ka shaqeeynaya doorasho dadweyne oo idinka, anaga iyo dadka Soomaaliyeed u dan ah. Ma idin ka yeeli doonno Xasan Sheekh ayaa kaligii taliye ah oo  2016-2017 u qabtay doorasho xor iyo xalaal ah oo kursiga looga qaatay. Waxa keliya ee aan idinka yeelayno waa in aad na dhahdaan; duqa waxaan ku haysannaa in uu noo ogolaan waayay inaan gaariga shirka kula fadhiisano oo aan la kaxeyno. Taasna duqu asaga ma diidin, ee waxaa diidday natiijadii doorashadii May 2022 oo soddomeeyo nin oo aad ku tartanteen ka soo dhex saartay hal darawal oo gaariga wada. Fadlan inoo oggolaada in dalkaan ka gudbo doorashadii dadbaneyd ee laaluushka iyo foolxumada badneyd, si  dhallinayarda aan ka mid ahay fursad u helaan”.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika oo ay bixiso Africa House, munaasabad lagu qabtay magaalada Davos ee Switzerland. Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta iyo hirgelinta qorshaha deyn cafinta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey munaasabadda uu ku guddoomay abaalmarinta ayaa uga mahadnaqay Africa House tixgelinta iyo qiimeynta ay ku sameeyeen horumarka ay ku tallaabsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

“Abaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh, iyadoo munaasabadda lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee dib u dhiska ciidamada, qaadista cunaqabateynta hubka ee muddada saarneyd dalka iyo ku biirista Soomaaliya ee urur goboleedka iskaadhiga dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya & kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay & dadaalkooda muuqda ee lagu gaarsiinayo dadka ku nool Miyiga dalka, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan hadda aheyn dal fashilmay oo ay ku socoto waddadii soo kabashada & horumarka.

Ugu dambeyn, wuxuu xasuusiyay caalamka in dowladdiisa ay guulo ka gaartay ololihii ay kula jirtay kooxaha argagaxisada ah, isagoo xusay inay ka xoreeyeen deegaanno muhiim ah oo ay horay uga talinayeen Al-shabaab.

Abaalmarintan ayaa timid kadib Hoggaamintiisa iyo siyaasaddiisa wax ku oolka ah ee dibadda & dhaqaalaha ayaa soo jeedinaya Indhaha caalamka, oo ay ku jiraan barnaamijka deyn cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka.

By. C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya oo la kulmay safiiro kala duwan

Addis Ababa-(SONNA)-<span;>Safiirka Soomaaliya ee Dalka Itoobiya, Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka jiir oo xoojinayo taageerada loo raadinayo xubinnimada Golaha Amniga…

GudahaWararka
January 26, 2022

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda FS oo xoojinaysa dadaalada gurmadka fatahaadaha

Muqdisho (SONNA): Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda FS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa guddoomiyey kulan looga…

GudahaWararka
November 15, 2023

Shirka istiraatijiyadda Qaran ee Hay’adda SoDMA oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii heerka qaran oo loogaga tashanayay sidii loo yagleeli lahaa istiraatijiyadda qaran…

GudahaWararka
August 23, 2025

Khawaarijta oo macallin qur’aan ku dishay Hiiraan

Jalalaqsi-(SONNA)-Khawaarijta ayaa deegaanka Shaw ee Gobolka Hiiraan ku dilay Allaha unaxariistee macallin Cabdulqaadir Xasan Ilkacase oo maalmo ka hor ay…

GudahaWararka
March 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023