Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka caafimaadka dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdiraxmaan Khaliif, wasiir dowlaha iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa magaalada Jowhar ku soo dhaweeyey wafdi ka socday hay’adda dhakhaatiirta aan Xuduuda lehayn ee (MSF), shirna kula qaatay xarunta wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle.
Wasiirka iyo wafdiga ayaa qiimeyn iyo kormeer ku tagay isbitaalka guud ee magaalada Jowhar, ayagoo u kuur galay xaaladda bukaanada iyo guud ahaan shaqada ka socota isbitaalka, sidoo kale, wafdiga ayaa booqday xarumo ay degan yihiin dad barakacayaal ah.
Shirka ay qaateen mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo wafdiga Hay’adda MSF ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo in la iska kaashado sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaad ee ay wasaaradda siiso bulshada Hirshabeelle.