Muqdisho.(SONNA);- Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika H.E. Moussa Faki Mohamat ayaa soo dhoweeyay wadahadaladii uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Raโiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo lagu soo afmeeray khilaafkii labada dal ka dhaxeeyay.
Guddoomiyaha guddiga ayaa soo dhoweeyay tallaabadan muhiimka iyo masโuuliyadda adag ee ay qaadeen madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuun dhanka kale, dhiirageliyay in la fuliyo iyada oo aan dib loo dhigin tillaabooyinka muhiimka ah ee hore loo qaaday.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Moussa Faki, ayaa bogaadiyay kuna hambalyeeyay madaxweyne Erdogan taageeradiisa hagar laโaanta iyo martigelinta kulankan iyo dadaalkii uu ku bixiyay ka mira dhalinta xalinta xasaraddan ka aloosneyd Geeska Afrika.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyay dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay oo meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.