Balad-xaawo-(SONNA)-Gaashanle; Maxamed amiin Cabdulle Aadan, Guddomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ayaa kudhawaaqay xukunka eedeysane dable NISA, Maxamed Cali Xuseen oo 23 Novembar ee Sanadkan dil argagax leh ka geystay magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Gacan ku dhiigle Maxamed Cali, ayaa bil ka hor toogasho ku dilay Allaha u naxariistee, Sakariye Axmed Gaarane iyo Axmed Sharmaโ arke Cabdulle oo kusugnaa garoonka kubadda cagta ee degmada Balad xaawo ee Gobalka Gedo.
Guddomiyaha maxkamadda, ayaa soo bandhigay baaritaanno iyo xogta marqaatiyaasha goob-joogga ka ahaa dhacdadaasi, wuxuuna dood dheer ka dib ku xukumay qisaasta labada marxuum oo ah dil, isagoo sheegay inay u furan tahay cid kasta oo racfaan ka qaadanaysa kiiskan.