Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda Gobolka Banaadir qeybteeda ciqaabta ayaa Maanta xukun ku ridday eedeysanayaal qaarkood xilal ka hayay qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Eedeysanayaasha oo qaarkood lagu waayay dembiyadii loo haystay ayay Maxkamaddu u celisay xorriyaddooda.
Hoos ka aqriso Xukunka Maxkamadda:-
MAXKAMADDA GOBOLKA BENAADIR QEYBTA CIQAABTA
(WAAXDA TASHIGA)
Maanta oo ay tahay Taariikhdu 24/08/2020 waxay Maxkamadda ku dhawaaqaysaa Xukunka Kiis Dacwadeedka ciqaabta ah ee Numberkiisa yahay MGB/DDL/148/2020 oo eedaysanayaal ka yihiin 9 qof ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka JFS, kuwaasi oo dacwadooda lasoo dhagaysanaysay 14 fadhi-dacwadeed,
XUKUNKA MAXKAMADDA
- EEDAYSANAHA 1AAD: C/llaahi Xaashi Cali Ina Khadiijo Xaaji Maxamed Xersi 61 jir ah Ku Dhashay Hiiraan Dagan Degmada Xamar-Weyne, ahna Agaasimaha Guud Wasaaradda Caafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDU waxa ay ku heshay Qodobada 241 (XATOOYO XOOLO DADWEYNE) iyo 363 XCS, waxa ayna Ku xukuntay 9 sano oo xadhig ah Iyo Ganaax Lacageed oo ah, SH.SO 59,173,000 (KONTON iyo SAGAAL MALYAN, BOQOL TODDOBAATAN IYO SADDEX KUN, shilin Som) una dhiganta $2,366 dollar. Xukunka waxaa wehelinaya Ka reebista Xafiis Dadweyne sida ku xusan Qodobada.101/102 XCS.
- EEDAYSANAHA 2AAD: Maxamuud Buule Maxamuud Ina Binti Shiikh Nuur Maxamed 52 jir ah ku dhashay Xamar, Degan wadajir ahna Agaaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda caafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241,363 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDU waxa ay ku heshay, Qodobada 241(XATOOYO XOOLO DADWEYNE) iyo Qodobada 363,366, 375, waxayna ku xukuntay 18 sano oo xadhig ah iyo Ganaax Lacageed oo ah 59,173, 000 SH.SO (KONTON IYO SAGAAL MALYAN, BOQOL TODDOBAATAN IYO SADDEX KUN, shilin Som) Una dhiganta $2,366 dollar. Xukunka waxaa wehelinaya Ka reebista Xafiis Dadweyne sida ku xusan Qodobada101/102 XCS.
- EEDAYSANAHA 3AAD: Mahdi Abshir Maxamed Ina Xaawo Maxamed Nuur 30 jir ah ku dhashay Xamar Degan Waaberi ahna Madaxa xisaabaadka ee Mashruuca Wacyigalinta Caafimaadka (Health Promotion C4D) ee Wasaaradda aafimaadka DFS, Kuna eedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS,
MAXKAMADDU waxa ay ku heshay Qodobada 241 (XATOOYO XOOLO DADWEYNE), iyo QODOBADA 363, 375 waxayna ku xukuntay 12 sano oo xadhig ah iyo Ganaax Lacageed oo ah 59,173, 000 SH.SO (KONTON IYO SAGAAL MALYAN, BOQOL TODDOBAATAN IYO SADDEX KUN, shilin Som) Una dhiganta $2,366 dollar. Xukunka waxaa wehelinaya Ka reebista Xafiis Dadweyne sida ku xusan Qodobada 101/102 XCS.
- EEDAYSANAHA 4AAD: Bashiir Cabdi Nuur Ina Xaliimo Qaasim Cabdi 34 jir ah ku dhashay Xamar, Degan Hodan ahna Xisaabiyaha Mashruuca Malaria and HIV/AIDS ee Wasaaradda Caafimaadka DFS Kuna eedaysan Qodobada 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKMADDU waxa ay ku heshay Qodobka 241(XATOOYO XOOLO DADWEYNE), waxayna ku xukuntay 3 sano oo Xadhig ah iyo Ganaax lacageed oo ah 29,575.000 (LAABATAN IYO SAGAAL MALYAN, SHAN BOQOL TODDOBAATAN IYO SHAN KUN Shil.Som) Una dhiganta $1,183 Dollar. Xukunka waxaa wehelinaya Ka reebista Xafiis Dadweyne Muddo 5 sano ah sida ku xusan Qodobka102-Faq 1aad XCS.
- EEDAYSANAHA 5AAD: Naciima C.qaadir Maxamed Ina Xaliimo Cabdi Shiikh 34 jir ah ku dhalatay, Degan Xamar ahna Maamulaha Mashruuca Taranka iyo Hooyada (reproductive Health) ee Wasaaradda Caafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDU waxa ay ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadeeda,
- EEDAYSANAHA 6AAD: Axmed Aaadan Maxamed Ina Faadumo Maxamed 34 jir ah ku dhashay Gedo Degan Hodan ahna Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud (Public Health Department) ee Wasaaradda aafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDU waxa ay ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadeeda,
- EEDEYSANAHA 7 AAD: C/qaadir Weheliye Afrax Ina Jimco Gaafow Kulmiye ahna Agaasimaah Waaxda Saadka iyo Adeega Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka DFS, Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDA waxaa u caddaatay in uu yahay agaasimaha waxaada daawaynta, qalabka iyo xarumaha caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka, waxayna ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadiisa.
- EEDEYSANAHA 8AAD : Faarax Yuusuf Maxamed Ina Luul Geelle Maxamuud 34 jir ah ku dhashay Baladweyne Deggan Xamar ahna Maamulihii Mashruuca wacyi galinta caafimaadka (Health Promation C4D) ee Wasaaradda aafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS,
MAXKAMADDA waxa u caddaatay in uu yahay madaxa Qaybta wacyigelinta Talaalka wasaaradda Caafimaadka DFS, waxayna ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadiisa.
- EEDEYSANAHA 9AAD: Sumaya Axmed Cismaan Ina Duniyo Cabdulle Cali 27 jir ah ku dhalatay Xamar Degan H/wadaag ahna Xisaabiyaha Mashruuca TBda ee Wasaaradda Caafimaadka DFS, DFS Kuna eedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS,
MAXKAMADDU waxa ay ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyaddeeda.
FG: MAXKMADDU WAXAY KALA NOQOTAY XUKUN SANAYAASHA
DAMAANADII AY KU JOOGEEN.
DHAMMAAAN DHINACYADA WAXAA U FURAN RACFAAN KU SIMAN MUDDO 30 MAALMOOD AH: