Muqdisho,(SONNA);-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu wada inka soo saarto xukun dacwad loo haystay Saraakiil ka ka laka tirsan qaar ka mid ah hay’addaha dowladda,Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ku soo Eedeeyay in ay ku kaceen Musuq-maasuq,lunsasho hanti dadweyne,lacag dhaqid iyo sido kale dayacaadda masuuliyadii loo igmaday.
Eedeysanayaasha ayaa gaaray ilaa Shan ruux oo ay ku jireen labbo Agaasime guud oo hore usoo maray Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo lagu kala magacaabo Cabdullaahi Maxamed Cali Sultaan iyo Maxamed Cadde Muqtaar oo labaduba ay joogeen fadhiga Maxkamadda,Abuukar Maxamed oo goob joge ah iyo sido kale,Cabdi waaxid Muxsim Ibraahim iyo Cabdiraxmaan Cabdikariim oo maqanayaal ahaa.
Fadhiyadda Maxkamadda oo ahaa ilaa sagaal Gar-maqal ayaa waxaa lagu soo bandhigay doodo kala duwan oo u dhaxeeyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Qareenadda Difaacayay eedeysanayaasha kuwaas oo gaarayay ilaa sagaal Abuukaate, iyagoo islaa wadaagay cadeymo iyo xogo ku saabsan dambiyada lagu soo eedeeyay.
Dhanka kale waxaa fadhiyada Maxkamadda la hor keenayay Marqaatiyaal iyo saraakiil ka socday Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo ahaa halka baarista dacwada ay kasoo bilaabatay ayada oo guddiga tashiga dacwadda oo ahaa garsoorayaal ay dhageysanayeen dhinacyada dacwada loo haysto iyo qareenadda difacayay,guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa soo gaba-gabeeyay waxaa una sheegay in manta ay ka soo saari doonaan xukun.
Halkaan hoose ka akhirso Magacyada Eedeysanayaasha maanta loo balansan yahay in xukun laga soo saaro Eedda loo haysto.
1)Cabdullaahi Maxamed Cali (Sultaan).Agaasimahii Guud ee Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS
2) Maxamed Cadde Muqtaar,Agaasimahii Guud ee Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS
3) Cabdiwaaxid Muxsim Ibraahim, Madax qeyb Xafiiska Ruqsad siinta shaqaalaha Ajaanibta ah.
4) Cabdiraxmaan Cabdikariim, Xubin ka Tirsan Xafiiska Ruqsad-siinta Shaqaalaha Ajaanib Ee Wasaaradda Maaliyadda XFS/
1)Abuukar Maxamed Cali,Maamulahii Canshuuraha Barigga ee Wasaaradda Maaliyadda laanta Garoonka Aadan Cadde.