Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group
    December 14, 2025
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta qaatay Kaarka Codbixinta Doorashada
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii hore ee Puntland
    December 14, 2025
    𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖asaaraha XFS 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐫𝐚𝐱𝐚 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐢𝐢𝐟 𝐒𝐚𝐚𝐥𝐚𝐱 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐔𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka
    December 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxkamadda Gobolka Baay oo dil toogasho ku xakuntay nin Hooyadii ku dilay Baydhabo “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxkamadda Gobolka Baay oo dil toogasho ku xakuntay nin Hooyadii ku dilay Baydhabo “SAWIRRO”
GudahaWararka

Maxkamadda Gobolka Baay oo dil toogasho ku xakuntay nin Hooyadii ku dilay Baydhabo “SAWIRRO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 15, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Maxkamadda gobolka Baay ayaa ku dhawaaqday dacwad ciqaabeed loo heystay eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq oo Hooyadii Khayrto Shariif Xasan oo 70 jir ah dhawaan ku dilay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Kiiskan oo maxkamadda fadhi badan ka yeelatay ayaa kii maanta waxaa goob joog ka ahaa Ehelada Marxuumadda iyo sidoo kale eedeysanaha.

Axmed Sheekh Nuur Saki Garsooraha Maxkamadda Gobolka Baay ahna guddoomiyaha kiiskan oo ku dhawaaqay xakunka ayaa sheegay in Mukhtaar ay ku cadaatay dambigii loo heystay ee ah dilka Hooyadii Kheyrto, isla markaana ay maxkamaddu heshay caddeymo iyo marqaatiyaal, isagoo intaa ku daray in Maxkamaddu ay Dambiile Mukhtaar Ibraahim Isxaaq ku xakuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuumad Khayrto.

“Eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq ina Khayrto Shariif Xasan 36 jir ah ku dhashay degan Baydhabo, kaas oo xafiska xeer ilaalinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku soo eedeeyeen dil bareer ah, kaasi oo uu gacantiisa ku dilay Marxuumad Khayrto Shariif Xasan oo ahayd Hooyadii isaga dhashay oo 70 jir ah. Maxkamaddu marka ay aragtay eeddii xafiiska xeer ilaalinta ku soo eedeysay, kaasi oo ah qodob 434, xeerka ciqaabta Soomaaliyeed. Maxkamaddu marka ay aragtay qiraalka eedeysanaha ka hor caddeeyay garsoorka hortiisa in uu gacantiisa ku dilay Marxuumad Khayrto Shariif Xasan. Maxkamaddu marka ay aragtay caddeymaha iyo marqaatiyaasha la horkeenay, mid midna ay u weydiisay marag furkooda, waxay maxkamadda ka hor caddeeyeen in eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq iyo Hooyadiisa Khayrto Shariif Xasan uu muran dhex maray, isagoo dharbaaxo wajiga kaga dhuftay kadibna madaxa dhagax kaga dhuftay, isla bartaasna ay ku geeriyootay Marxuumadda. Maxkamaddu marka ay aragtay dokumintiga iyo qiraalka eedeysanaha laga qoray, sawirada iyo waraaqda caddeymaha dhimashada marxuumadda, markii ay dhageysatay dooddii u dhexeysay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka difaacayay eedeysanaha, sidaas daraadeed maxkamadda waxaa u caddaatay dambiile gacan ku dhiigle Mukhtaar Ibraahim Isxaaq uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxayna Maxkamadda ku xakuntay dil toogasho ah” ayuu yiri Axmed Sheekh Nuur Garsooraha Maxkamadda Gobolka Baay.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group

Muqdisho(SONNA):-Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico), iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Qorsheynta Galmudug oo qabatay shir looga hadlayo fulinta mashaariic horumarieed “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)- Kulankaan  oo ay soo agaasintey Wasaarada Qorsheynta Galmudug ayaa ujeedadiisu ahaa sidii tashi looga yeelan lahaa fulinta mashruuca…

Wararka
April 16, 2020

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal Qorshaysan ka fuliyey magaalada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan

Buq-aqable,(SONNA):-Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal Qorshaysan ka fuliyey magaalada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraa ayaa halkaa ku dilay 18 xubnood oo…

GudahaWararka
August 18, 2023

James Swan iyo Madaxweyne Waare oo wada hadallo ku leh Jowhar

Baydhabo-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya , James Swan, ayaa…

Wararka
December 11, 2019

Shir looga hadlayo dib u habaynta dhaqaalaha dalka oo Turkiga lagu soo gabangabeeyey

Istanbul (SONNA): Waxaa maanta la soo gaba gabeeyey dib u eegistii 2-aad ee Barnaamijka ay taageerto hay’adda lacagta adduunka IMF…

GudahaWararka
September 25, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023