Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Maxkamadda CQS oo xukun ku riday Taakeeye & kooxdiis
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxkamadda CQS oo xukun ku riday Taakeeye & kooxdiis
GudahaWararka

Maxkamadda CQS oo xukun ku riday Taakeeye & kooxdiis

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 25, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):- Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye) oo lagu soo eedeeyey aas-aasida Xisbi ku sheeg uu ugu magacdaray Talo-kunool, kaasi oo faafiyo fikradaha gurracan ee lidka ku ah Diinta, Dalka iyo Dowladnimmada iyo sidoo kale Taageeridda Ficilada foosha xun ee Argagixisada.

Taakeeye, ayaa waxaa lagu soo qabtay iskaashi amni oo ay wada yeesheen Sirdoonada Soomaaliya iyo Kenya Siddeed iyo labaatankii September 2023. Waxa uu Baraha Xiriirka dadweynaha ku gudbin jiray fikirkiisa gurracan ee gaaleysiinta ah, isaggoo ku tashkiilin jiray Caamada in ay soo raacaan Xisbigiisa Talo-kunool.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa Dable Xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa isna kaga biiray kooxda Taakeeye qaab Online-ah, isaggoo Whatsapp-ka ku faafiyey Fariimo lid ku ah Dowladnimmada iyo inuu garab istaag u muujiyay Taakeeye markii gacanta sharciga uu soo galay, isna waxaa la qabtay Siddeed iyo Labaatankii bishii September 2023.

Maxamed Cabdulqaadir Cali Nuur (Sandheere) ayaa isna ka mid ahaa kooxda Taakeeye kaga biirtay Online ka, Waxa uu isku dayey in uu marin habaabiyo laamaha amniga isaga oo sheegtay in uu yahay isa-soo dhiibe Khawaarijta ah, waxaana la xiray Labaatankii bishii December 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Q.S, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Afar iyo Tobankii  bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray Seddexda eedeysane, Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye), ayaa lagu xukumay 2 Sano oo il ku hayn ah, halka Ex Dable Xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle isna laga saaray ka mid ahaanshiyaha Ciidanka Xoogga.

Sidoo kale Maxkamadda waxa ay sii daysay Maxamed Cabdulqadir Cali Nuur (Sandheere). Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

May be an image of 3 people, beard and text

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Israel oo masaafurisay sarkaal ka tirsan Hey’adda Xuquuqda ee Human Rights Watch  

Xukuumadda Israel ayaa masaafurisay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda xuquuqda Insaanka ee Human Rights Watch,kas oo lagu eedeeyay inuu…

Wararka
November 26, 2019

Jadwalka doorashada Shan kamid ah Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Muqdisho(SONNA)-Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanadda Labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha…

GudahaWararka
February 7, 2022

Cumar Filish oo dhagax dhigay Dugsi Sare oo laga hirgalinayo Deegaanka Gubadleey

Muqdisho:(SONNA)-Gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magalada muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxmed (Cumar filish) iyo sii hayaha wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada xukumadda…

Wararka
September 27, 2020

Dawladda oo war ka soo saartay hawlgal ka dhacay Jubada hoose

Muqdisho (SONNA)- War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dawladda FS ayaa lagu sheegay in ciidamada dawladda…

Wararka
September 8, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023