Muqdisho (SONNA) Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa maanta xukun ku riday Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo ahaa taliye xigeen ka ahaa hogaanka Sahanka & Wardoonka (Hangashta) .
Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Warbaahinta u sheegay inย ninkan lagu xukumay bixinta diya adag oo ah Magta marxuum Aadan Gaarac Habarwaa iyo shan sano oo Xabsi Ciidan ah.
Gaashaanlahan Xukunsan ayaa biya hafin ku dilay Marxuumkaย 23 February Sanadkan, xilligaas Aadan waxa uu u xernaa Qarax lagu Dilay taliye Ururkii 28-aad ee ciidanka xoogga dalka.
Dhacdoyinkaas ayaa ka dhacay Dolow, Gedo.