Beledweyne(SONNA):-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27-aad ee milatariga Soomaaliyeed ayaa xukun dil ah ku riday askari katirsan Ciidamada dowladda ,oo qof Shacab ah ku dilay duleedka Magaalada Beledweyneย ee Xarunta Gobalka Hiiraan.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidaย ee Gobalka hiiran ayaa Maanta u fariisatay dhageeysiga Dacwadda Dable Galad Xaashi Warsame oo katirsana Ciidamada Dowladda Soomaaliya Gaar ahaan NabadSugida, kaa oo lagu helay dilka qof Shacab ahaa
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aadย Gashaanle Maxamed Aamiin oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Dable Galad Xaashi Warsame lagu riday xukun dil toogasho ah
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ayaa waxaa ay horay xukuno kala duwan ugu ย riday askar katirsan Ciidanka dowladda iyo Xubno kamid ah Maleeshiyadaย Al-Shabaab oo lagu helay dambiyo kala duwan.
ย