Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta 8 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Maxamuud Maxamed Macalim “Karaama” 8 Sano oo xabsi ciidan ah markii lagu helay in uu ka mid ahaa khawaarijta nabad-diidka.
Garsooraha Maxkamadda Ciidamada Qalabka G/le, Maxamed Cabdi Muumin ayaa sheegay in eedeysane Karaama uu Khawaarijta u qaabbilsanaa uruurinta lacagaha shacri darrada ee ay nabad-diidku ka qaadan jireen qaar ka mid ganacsatada Muqdisho.
Maxamuud Maxamed Macalim oo khawaarijta ku biiray 2020-kii ayaa argagixisada siin jiray xogta dukaamada cusub ee laga furo degmooyinka Xamar weyne, Xamar Jajab, Waabari, Hodan, Howl wadaag iyo Boondheere, isagoo sidoo kale u gudbin jiray qiyaasta qiimaha hantida taalla goobtaasi ganacsi iyo taleefanka meheradda si loo handado loogana qaado lacag sharci darro ah.
Dhagar qabe Karaama ayaa gacanta hay’adaha amniga soo galay 29-kii January ee Sanadkan, iyadoo kiiskiisa uu soo maray marxalado kala duwan.