Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Maxkamadda Ciidamada Q.S oo bilowday dhageysiga dacwado loo heysto Afar eedeysane oo ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab “Sawirro”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Maxkamadda Ciidamada Q.S oo bilowday dhageysiga dacwado loo heysto Afar eedeysane oo ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab “Sawirro”
Wararka

Maxkamadda Ciidamada Q.S oo bilowday dhageysiga dacwado loo heysto Afar eedeysane oo ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab “Sawirro”

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 7, 2019
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Fadhiga Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa waxaa ka bilowday Dhageysiga Dacwad qaadista Shabakad ka tirsan Alshabaab gaar ahaan qeybta fulisa dilalka gaadmada ah oo ka howlgali jiray Galbeedka Caasiamadda.

Eedaysanaha 1-aad Shucayb C/laahi Max’ed  oo magiciisa afgarashadu yahay (Axmed) ,  Maxamed Cismaan Axmed oo magacyadiisa afgarashadu yihiin (C/weli, Atam, Bakistaan) Ismaaciil Max’ed Aweys oo magiciisa afgarashadu yahay  (Yaxye)  ayaa laga soo qabtay bar ay ciidamada amniga ku hubiyaan dadka iyo gaadiidka oo ku taala waaxda Xaawa Taako ee degmada Wadajir 28/02/2019 xilli ay kasoo noqdeen howlgal arga-gaxisanimo oo fashilmay  halka eedeysnaha 4-aad laga qabtay degmada deyniile gaar ahaan Jaamacada Gahayr .

Eedaysanaha 1-aad Shucayb C/laahi Max’ed  oo magiciisa afgarashadu yahay (Axmed) ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex- S/X/le X. Xuseen Macalin Cali Jilacow 28/06/2017, Marxuum Ex- G/le Bol. Yuusuf C/laahi Max’ud 09/12/2017, Marxuum Ex- L/x/le Bol, C/laahi Ibraahim Xasan (Gambar) 05/05/2018, 27/11/2018 Marxuum Cabdi Cali Max’ud oo ahaa nin shacab ah oo ka ganacsanaayay hilibka (Kawaanle) halka   dhaawac xabadeed uu u  gaysatay Dhibane C/raxmaan Max’ed Cali, waxa uu sidoo kale kala  simanyahay Ismaaciil iyo Maxmed in ay qorsheynayeen dilka Baarliin Cabdi Warsame oo aheyd gabar ka ganacsato qaadka.

Eedaysanaha 2-aad Max’ed Cismaan Axmed Cumar (C/weli, Atam, Bakistaan),  Waxa uu ahaa wade Mooto Bajaaj ugu adeega  keenista iyo ka qaadista  Bastooladaha lagu fuliyo Dilalka qorshaysan Alshabaab, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay  in 28/02/2019 uu qeyb  ka ahaa dilkii fashilmay ee lala damacsanaa Dhibane Baarliin Cabdi Warsame.

Eedeysanaha 3–aad Ismaaciil Max’ed Aweys (Yaxye) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu qeyb ka ahaa fashilka dil ay la damacsanaayeen Dhibane Baarliin Cabdi Warsame.

Seddexda eedeysane ayey ciidamada amniga ku qabteen bar ay ciidamada amniga ku leeyihiin waaxda xaawo taako ee degmada Wadajir halkaas oo ay isku dayeen in ay ka baxsadaan balse mid kamid ah ciidamada amniga ayaa fashiliyay isku daygooda.

Eedaysanaha 4-aad Saadaq C/jabaar Cumar Xuseen, waxaa si gaar ah loogu eedeeyay kamid ahaanshiyaha Alshabaab  gaar ahaan Qeybta fulisa dilalka qorshaysan, waxaa si gaar ah loogu qabtay fulinta dilka  Marxuum Ex D/le X. Max’ud Xasan Ibraahim 31/03/2019.

Xafiiska Xeer Ilaalinta CQS aya fursad loo siiyay in ay Maxkamadda la yimaadaan cadeymaha kiiskan ay eedeysanaha kawada yihiin 4-ta eedeysane ee Maxkamadda hortaagan.

6- markaati uu ku jiro dhibane ayaa Maxkamaddu dhageystay, waxa ay dhinacyada dacwadda weydiiyeen su’aalaha habraaca sharciga o ogolaanayo,  markaatiyaasha ayaa  ka sheekeyey sida ay u dhaceen ficillada qaar oo ay eedeysanayaasha geysteen, halka sidoo kale si gaar ah loo dhageystay ciidamadii barta ku qornaa.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa weydiistay Maxkamadda in la siiyo fursad dheerad ah oo ay maxkamadda ku horkeenaan agab iyo markaatiyaasha qaarkooda oo safar kaga maqan magaalada…

Qareenada ayaa  kala sinnaa soo jeedinta Xeer Ilaalinta.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee CQS  ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxaana sii socon doonta dhageysiga dacwooyinka loo heysto eedeysanayaashaan.

   

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika

Muqdisho (SONNA); – Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay…

GudahaWararka
February 27, 2023

Lix ruux  oo ku dhintay dhulgariir mar kale ka dhacay Turkiye iyo Syria

Dhulgariir kale oo cabirkiisu yahay 6.3 ayaa ku dhuftay gobolka koonfureed ee Turkiga ee Hatay iyo waqooyiga Suuriya, halkaas oo…

Caalamka
February 21, 2023

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 XFS oo 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 b𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 r𝐚𝐲𝐢𝐝𝐤𝐚

Muqdisho-(SONNA)-𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐗FS, mudane 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐲𝐢𝐝𝐤𝐚…

GudahaWararka
January 23, 2025

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay degmada Awdheegle

Muqdisho-(SONNA)-Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa maanta gaadiid sida shixnado gargaar ah waxa ay u dirtay degmada Awdheegle ee…

GudahaWararka
September 24, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023