Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah
GudahaWararka

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 3, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu eedeeyay in uu khawaarijta u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada ku fuliyaan iyo kuwa ka cilladooba, isaggoo gawaarida cusubna ka tiri jiray sumadaha aqoonsiga Chassis Number, mid cusubna saari jiray, si tixraac aysan ugu sameyn hay’addaha ammaanka, tan iyo sanadkii 2018 ayuuna howlahaan u hayay aragixisada.

Dhagarihii uu ka qeyb qaatay waxaa kamid ah qaraxii Zoobbe 2 oo dhacay 29-kii oktoobar 2022, kaasi oo loo adeegsaday mooto kuwa xamuulka qaada ah oo farsameynteeda uu lahaa, sidoo kale qaraxyo ka dhacay SYL, Beach View ayuu ka qeyb qaatay.

Eedeysane Cabdinaasir oo hoostagayay horjooge lagu magacaabo Khaalid, ayaa mushaar ahaan u qaadan jiray $240 dollar, waxaana loo iibiyey gaari noha ah oo u isctimaali jiray fududeynta howlihiisa khawaarijnimo, sidoo kalana waxaa loo furay garaash uu wakiil uga ahaa Argagaxisada.

Waxa uu la shaqeeyay xukunsanayaal ku jira xabsi dhexe iyo kuwa lagu dilay Xabsiga, ka dib markii ay isku dayeen iyaggoo dagaalamaya inay baxsadaan Sanadkii 2024.

Horjoogahaan, ayaa gacanta ciidamada amniga soo galay 19-kii septembar ee 2024, iyadoo lagu soo qabtay gawaari loo diyaarinayey in loo adeegsado qaraxyo.

Maaddeey Cabdi Xuseen oo makaaniknimo ku shaqeysta ayaa xiriirka argagixisada ka helay eedeysanaha 1aad Cabdinaasir, Safar qaatay maalin iyo habeen ayuu ku tagay Kuunya barrow Shabeelada hoose, si uu khawaarijta ugu farsameeyo seddex gaari oo ka ciladeysnaa, waxaana uu horey usii watay Ciise Maaddeey Cabdi Xuseen.

Muddo bil ah oo ay halkaasi joogeen kadib waxay kusoo laabteen Ceelasha Biyaha, iyaggoo wata $400 dollar oo khawaarijtu ay kusoo sagootisay, 50 dollar ayuuna ka siiyey Ciise.

Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq oo hore tiro laba jeer ah loo soo xiray ayaa lagu soo eedeyay inuu kala gudbin jiray dadka u dacwooda Khawaarijta iyo inuu ka iibsan rabay argagixisada gaari isaga uu lahaa, balse isaggoo aan gadan ayey kawar heleen ciidanka amniga, sidaasna lagu qabtay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday sagaal iyo tobankii Bishaan.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

– Cabdinaasir Maxamed Xasan ayey .maxkamadu ku xukuntay Xabsi Daa’in.

– Maaddeey Cabdi Xuseen ayaa lagu xukumay labo sano oo xabsi argagixiso ah.

– Ciisa Maaddeey Cabdi Xuseen ayaa isna lagu xukumay hal sano oo Xabsi Argagixiso ah.

– Halka Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq ay maxkamaddu dib u siisay xoriyadiisa, kadib markii lagu waayey eedii loo heystay.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

kulan looga hadlaayo Covid 19 oo berrito ka furmaya xarunta Q.Midoobay

Qaramada Midoobe  ayaa qaban doonta beri oo khamiis ah shir aan caadi ahayn  kaas oo looga hadlaaayo sidii looga hartegi…

Wararka
December 2, 2020

Ra’iisul wasaaraha XFS oo ka qayb galay munaasabada xilwareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa…

GudahaWararka
February 4, 2026

Golaha naafada Qaranka oo wada-tashi looga hadlayey Qabyo-Qoraalka sharciga naafada ku soo gabogabeeyey magaalada Samo-reeb “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Kulankaan oo muddo seddex maalmood ah ka socanayey magaalada Samoreeb ee xarunta Galmudug ayaa ku saabsanaa wada-tashiga qabyo qoraalka…

Wararka
September 10, 2020

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ka shiray Arrimaha Bini-aadanimo

Jowhar,(SONNA); Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle oo intiisa…

GudahaWararka
February 8, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023