Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ayaa markale saakay dil toogasho ah ku fulisay Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan oo horay dilal u geystay.
Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan ayaa bilaawgii bilihii Apriil iyo juun ee sanadkii (2019) sibareer ah u dileen marxuumiinta kala ah Aadan Isaaq Ibraahim iyo Maxamed Xasan Maxamed,maxkamadda ayaana xukun dil toogasho ah ku fulisay yaasiin Maxamed Aadan oo Boliska katirsanaa iyo Cabdiraxmaan Cali Xasan (Sugow) oo isna katirsan NISA.
Maxkamadda ayaa xuknka dilka ah ku riday Ragaan Lixdii july iyo labaatankii isla bishaas ee (2019),kadib racfaan ay soo qateen ayay markale maxkamadu ku xukuntay dil toogasha ah Augusto isla sanadkaasi.
Labada marxuum ee gacanta Ragaan ku baxay ayaa midkood waxa uu ahaa Samafale Biyaha u dhaamin jiray dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Baydhabo,halkaa kan kalana uu ahaa Ganacsada si weyn looga garanayay degaanka.
Aroornimadii hore ee saakay ayaa laga Oofiyay xadka Qisaasta ah,taa oo ka dhacday Cara tuurka Magaalada Baydhabo,,waxana goob joog ahaa sarakiil iyo masโuuliyiin katirsanaa maxkamadda iyo ehelada dadka Qisaasta lahaa.
Shalay ayay ahayd sidaan oo kale markii Maxakamadda Ciidamada Qalabka sida ay dil toogasho ah ku fulisay Rag horay dilal u geystay askar iyo waliba dad shacab ah.