Baydhabo(SONNA):-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60aad ayaa Maanta dil toogasho ah ku fulisay Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur, kuwaas oo mid kamid ah uu horay u dilay xaaskiisa halka kan kale uu dilay askari ka tirsan Boliiska.
Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur ayaa maxkamadda darajada kowaad ee ciidamada waxa ay dil toogasho ah kukal xukuntay kowdii April (2018) iyo tobankii july(2021) kadib markii ay ku cadaatay falka dilka ah.
Xuseen Maxamed Cabdi Nuur oo katirsanaa Daraawiishata koonfur galbeed ayaa dilay marxuum Maxamed Gudoow Aadan oo katirsan Boliiska january 26-2018-kii,halka Abaadir Isaaq Nuur uu isna dilay xaaskiisa marxuumad Maslaxo Axmed Nuur (February 17-dii 2021)
Aroornimadii hore ee saakay ayana lagu fuliyay Qisaaasta oo ka dhacaday Cara tuurka oo ah woqooyiga Magaalada Baydhabo