Muqdisho.(SONNA):- Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah uga mid noqotay Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ka dib markii madaxda ururku ay aqbaleen codsiga Soomaaliya.
Tallaabadan waxaa bogaadiyay madaxda dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ( Kenya, Tanzania, Uganda, J.D. Congo, Burundi, Rwanda iyo Koonfuurta Sudan), iyagoo ku tilmaamay tallaabo horumar oo Soomaaliya horay u qaadday.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixisay muhiimadda ku buurista Ururka Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo marxaladihii la soo maray.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Cali Cumar Balcad oo Waraysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inuu qiimo aad u ballaaran Soomaaliya u leeyahay in ay ku biirto Suuqan ama Bulashada bariga Afrika, balse muhiimaddiisu la ogaan doono marka uu mira dhalo.
โโ Soomaaliya in ay ku biirto Suuqa ama Bulshada Bariga Afrika qiimaha uu leeyahay marka si loo fiiriyo waa mid aad iyo aad u balaaran ee dabcan sheyga marka uu cusub yahay suโaalo badan ayey iska weydiinayaa, balse muhiimaddiisu waxaa la ogaan doonaa marka uu mira dhal noqdo, Soomaaliya in ay suuqan ku biirto waxay soo bilaabatay 2012-kii,xukuumaddii madaxweyne Sheekh Shariif ayaa codsigii ugu horeeyay gudbiyay, codsiga xiga ayaa la gudbiyay 2015kii, marka labaad codis kale waxaa gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh (termkiisii hore), codsigaas ayaa noqday mid mira dhalay oo Soomaaliya u fududeeyay in ay ka mid noqoto suuqaasi,โโ ayuu yiri Wasiiru Dowladaha Arrimaha Diabadda XFS.
Wuxuu sheegay in ku biirista Ururkan loo soo maray marxalado kala duwan, waxaana Muqdisho u yimid 40-xubnood oo ka socda waddamada kala duwan ee xubnaha ka ah ururkaas, mar labaad wafuud Soomaaliyeed oo gaareysa 50-qof ayaa gaaray magaalada Nairobi si ay wada xaajood ula yeeshaan masโuuliyiin ka socda dalalkaas, waxayna kulamadaas ahaayeen kuwo qiimeyn lagu sameynayo in ay Soomaaliya diyaar u tahay, buuxina karto shuruudaha loo baahan yahay in looga mid noqdo.
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Maxay Soomaaliya ka faaโideysaa ku biirista Ururkan.
Wasiiru Dowladaha ayaa wareysigiisa ku sheegay in Suuqaas ay ku jiraan toddobo dal, Soomaaliya ay ku noqoneyso waddanka siddeedaad, siddeedaas dalna waxaa ka dhaxeeyo arrimo kala duwan.
Soomaaliya waa dalka kaliya ama Soomaalidu waa dadka kaliya ee maanta ka ganacsada toddobada dal, Wuxuuna wasiirku hoosta ka xariiqay in Soomaaliya badan ay joogaan dalalka DRC,South Sudan, Kampala (Uganda), Rwanda, Tanzaniya iyo Kenmya.
Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in Soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee si dhab ah uga faaโideysanaya isku socodka dalalkaas, โโfaaโidada ugu weyn ee aan heleyno waa dadkeenna Somaaliya oo siyaabo dhib badan Baasapooro kala duwan u isticmaalaya waddamada ay ka ganacsanayaan ama hantidooda aanay xafidneyd ย in ay helayaan xoriyad iyo xafidnaan ee ganacsigooda ku baahin karaan dalalkaas,โโ.
ย ย ย ย ย ย ย ย ย Suuqaas waxaa aas-aas u ah afar tiir oo labadan qodob ugu muhiimsan yihiin:-
- Tiirka loo yaqaano common custom oo macnaheedu tahay in badeecadaha soo gala waddamadaas ay canshuur laโaan isku dhaafaan oo allaabta ka soo gasha dekadda Muqdisho canshuur laโaan lagu geyn karo toddobadaas dal, marka waxaa loo yaqaanaa common custom,in hal meel kaliya lagu canshuuro badeecadaha soo gala waddanka.
- Tiirka labaad, waxaa middka loo yaqaano common market oo ah inuu suuqa mideysan yahay oo micanaheedu tahay in maalgashiga,shaqaalaha iyo isku socodka dadweynuhuba uu noqonayo si sahlan oo aanan loo baahneyn VISA loo kala qaato dalalkaas,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed xubinnimada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoo ka warbixiyey dadaalka lagu bixiyey, fursadaha ku jira iyo awoodda dadkeennu ay u leeyihiin in ay la tartamaan dhiggooda shucuubta Gobolka.