Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka
    July 5, 2025
    Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed
    July 5, 2025
    Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada
    July 5, 2025
    Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre
    July 5, 2025
    Wasiir Fiqi oo hambalyeeyey doorka difaaca dalka ee dhalinyaradda Soomaaliyeed
    July 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Maxay Ka Dhigantahay Qorshaha Dayn Cafinta Soomaaliya?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Maxay Ka Dhigantahay Qorshaha Dayn Cafinta Soomaaliya?
MaqaalladaWararka

Maxay Ka Dhigantahay Qorshaha Dayn Cafinta Soomaaliya?

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 1, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka 25-kii bisha Maarso  ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay gaartay calaamadda loo yaqaano “go’aan qaadasho” ee amaahda looga cafiyo wadamada la dhibaateysan deymaha, taas oo ka dhigan iney Soomaaliya noqoto wadddanka 37-aad ee marxaladdaan soo gaarta.

Madaxda dowladda oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushaan weyn ee usoo hoyatay qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo  ayaa sheegay in dowladdu sii laba jibbaari doonto  dadaallada horumarinta dhaqaalaha dalka si  Soomaaliya  ay xubin uga noqoto Hay’adda Dammaanad-Qaadka Maalgeshiga Caalamiga oo ah tallaabo kale oo xoojineysa in dalkeenna ay ku soo hirtaan maalgashadeyaasha caalamiga iyagoo aan welwel ka qabin masiirka hantida ay ku maalgashanayaan dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa xusay in guushaan ku timid wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo  deganaashaha siyaasadeed ee dala ka jirtay  3-dii sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa isna sheegay in guusha maanta laga gaaray deyn cafinta  ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale.

Dhanka kale, waxaa guushaan soo dhaweeyay beesha caalamka iyo wadamada si gaar ah Soomaaliya u caawiya.

Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa soo dhaweeyay guusha Soomaaliya ka gaartay dayn cafinta.

Dowladda Qadar ayaa ugu hambalyeysay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed go’aankan iyo dadaallada ay sameeyeen si ay u gaaraan marxaladdan dayn bixinta ah.

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in Soomaaliya ay gashay mar-xalad cusub, iyadoo ballan qaaday inay sii wadi doonto garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee hiigsanaya mustaqbal wanaagsan iyo barwaaqo.

Dhanka kale, safiirka Maraykan u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto oo lasoo xiriiray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu hambalyeeyay guusha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed gaareen, isagoo sheegay in Maraykanku ku garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya barnaamijka habaynta dhaqaalaha.

Sida uu sheegay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre guusha la gaaray qorshaha dayn cafinta  ayaa Soomaaliya ugu dhigan sida soo socota:

  • Soomaaliya waxey heli doontaa xuquuqda ay ku leedahay hay’adaha dhaqaalaha adduunka sida Bangiga Adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka, Bangiga Horumarinta Africa, Bangiga Islaamka iyo dhammaan hay’adaha horumarinta ee dowladaha dunida.
  • Guushaan waxey fursad fiican u fureysaa ganacsatada Soomaaliyeed gobol kasta oo ay joogaan.
  • Soomaaliya ayaa heli doonta dhaqaalo fiican, taas oo micnaheedu yahay in dalku helo dib u dhis iyo horumar dhinacyada adeega bulshada sida caafimaadka iyo waxbrashada.
  • Waxaa billaaban doonta in shacabka Soomaaliyeed helaan adeegyo waafi ah oo noloshooda wax ka beddela.
  • Dowladdda Soomaaliyeed waxey heleysaa in dunidu ku aaminto dhaqaalaha dalka soo galaya taas oo ah waji cusub oo Soomaaliya yeelaneyso hadda kadib.
  • Waxaa Bangiyada Soomaaliyeed u dhib yaraan doona la maacaamiilka Bangiyada caalamka.
  • In heerkaan laga gaaro barnaamijka dayn cafinta waxey caddeyneysaa in dadka Soomaliyeed kasoo bixi karaan shuruud kasta oo la hordhigo markey gacmaha is qabsadaan.
  • Dowladda Soomaaliya ayaa hadda kadib awood u yeelan doonta in ay toos ula macaamisho wadamada adduunka iyadoon u marin hay’ado kale.

W/D: Axmed Maxamed Axmed

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa xarunta Wasaaradda…

July 5, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Toddoba dhagar-qabe oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada dhexe

Jowhar-(SONNA)-Ciidamada difaaca madaniga ah degmada Mahaddaay ee gobolka Shbeellada dhexe ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cabdulle-Barbaar…

GudahaWararka
April 1, 2025

Dekedda oo guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Rajo kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Premier League

Muqdisho(SONNA)-  Kooxda kubadda cagta  Dekedda ayaa galabta guul muhiim ka gaartay naadiga Rajo kadib markii ay 2-0 ugu adkaatay, ciyaar…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Wasiirka xanaanada xoolaha dowladda FS oo shir caalami ah uga qaybagalay Talyaaniga

Rome (SONNA): Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirt aiyo Daaqa dowladda FS Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka qeybgalay…

GudahaWararka
July 22, 2024

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta oo soo dhaweeyay wadahadalada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland

Muqdisho:(SONNA)-Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-Qeyd ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadaallada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti…

Wararka
June 19, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023