Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxaa u qabsoomay Madaxdweyne Xasan Sh. muddada halka sano ah. (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxaa u qabsoomay Madaxdweyne Xasan Sh. muddada halka sano ah. (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Maxaa u qabsoomay Madaxdweyne Xasan Sh. muddada halka sano ah. (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 15, 2023
8 Min Read
Share

Inta aan u gudagalin nuxurka warbixinta aad bal dib yara jaleecno, sidii mar kale loogu doortay Xilka Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee laba mar loo doorto, waxayna dorasho socotay muddo 10 saacadood ah ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, muddada afarta sano ah, isagoo wareeggii saddexaad ee doorashada kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Tirada guud ee codeysay ayaa aheyd 327 cod. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 214 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod. Waxaa hallaabay saddex cod. Mudane Xasan Sheekh ayaa horey Madaxweyne ugu soo noqday Soomaaliya 2012-kii ilaa 2017-kii.

Doorashadii ka dhacday Teendhada Afisyoone 15-kii May 2022-kii, ayaa waxaa ku tartamay 34 musharax oo ka mid ah 39 musharaxa oo markii hore isku diiwaan-geliyey doorashada, balse markii dambe ay shan ka hareen, waxaana Wareegga labaad ee doorashada u gudbay Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 65 cod, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 59 cod, Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 52 cod, iyo Xasan Cali Kheyre uu helay 47 cod,  waxaa kadib wareegga labaad ugu cod batay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo ay hareen Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre, ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 110 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kusoo xigay uu helay 83 cod. Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre ayaa kala helay 68 cod iyo 63 cod, sida ay u kala horreeyaan, waxaana sidaas wareegga ugu dambeeya ku gaaray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Codeyntaasi oo dib u dhacday muddo ka badan sanad sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed, ayay qasab ahayd in la qabto bishaasi, si ay u sii soocto lacag dhan 400 milyan oo dollaar oo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Dhashay 29 Noofambar 1955-ki, wuxuuna ku dhashay Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waa siyaasi Soomaaliyeed, waana aasaasihii iyo guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka . Waxaa loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 15-kii May 2022-kii, Waxa uu horay ula soo shaqeeyay Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya 2012 ilaa 2017. Waxa uu ahaa nin u dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga iyo siyaasadda, Xasan waxa uu hore u ahaa bare jaamacadeed iyo hormuud Kulliyadeed.

WAXABARASHADA: Mudane Xasan waxa uu dugsigii hoose dhexe iyo sare ku qaatay magaaladii uu ku dhashay ee Jalalaqsi, Ka dib waxa uu u soo wareegay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho 1978-kii, halkaas oo uu muddo saddex sano ah wax ka baranayey Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee deegaanka. Sannadkii 1981-kii, waxa uu machad ka qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda ee tignoolajiyada, Sannadkii 1986-kii, Xasan waxa uu u socdaalay dalka Hindiya oo uu bilaabay in uu dhigto Jaamacadda Bhopal (hadda Barkatullah University). Halkaas oo uu 1988-kii ku qaatay shahaadada mastarka ee waxbarashada farsamada. Xasan sidoo kale waa ka qalin jabiyay Machadka Dhisidda Nabadda xagaaga ee Jaamacadda Bariga Mennonite ee fadhigeedu yahay Harrisonburg, Virginia . Sannadkii 2001, waxa uu dhammaystay saddex ka mid ah koorasyada degdegga ah ee SPI, isaga oo baranaya dhexdhexaadinta, bogsiinta dhaawacyada, iyo naqshadaynta tababarro udub dhexaad u ah ardayd, ugu dambeyntiina waxa uu qaatay shahaada PHd-ka jaamacadda Nabadda ee qaramada Midoobay sanadkii hore.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud doorashiisa kadib waxa uu ballaan qaaday qodobo dhowr ah iyo hal ku dhig uu ku galay Ololahiisa doorasho, kaasi oo ahaa SOOMAALI HESHIIS AH DUNIDANA HESHIIS LA AH, waxa uuna isla markii la dhaariyayba ku dhawaaqay inuu Ammaanka dalka uu wax ka qaban doono, islamarkaana uu dagaal la gali doono Kooxaha Xagjirka ah ee argagaxisada Khawaarijta Al-shabaab, waa uuna ka dhabeeyay, isagoo dagaal ku qaaday, lagana xoreeyay dhammaan Deegaanada ka tirsan Gobolada Hirshabeelle iyo Galmudug, howgalkaasi oo ahaa Wejiga 1-aad, waxaana lagu xoreeyay in ka bad 52 magaalo, kadibna waxay Ciidamadu ku wajahan yihiin fulinta dagaalka wejigiisa 2-aad, kaasi oo la damacsan yahay in uu ka dhaco Webiga Jiinkiisa.

Muddadii halka sano aheyd ee ay jirto Dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxa ay ku guuleysatay islamarkaana ay waxa ka badashay Ammaanka iyo Xasiloonida Caasimada Dalka ee Muqdisho, taasoo laga dhigay mid ammaan ah,kadib markii laga howlgaliyay Ciidammo cusub, kuwaasi ay ku diirsadeen Dadka Shacabka ahaa ee ku dhaqnaa degmooyin ay dhibaatooyin ka geysan jireen Gaangis abaabulan iyo garanwaa.

Dhinaca kale waxa uu ka dhabeeyay halku dhiggiisa ahaa SOOMALI HESHIIS AH DUNIDANA HESHIIS LA H, waa uu shaqeeyay ayaa dhihi karnaa, waayoo markii la doortayba waxa uu ku dhaqaaqay inuu kulamo siyaasadeed la qaato Masuuliyiinta Maamul-goboleedyada Dalka, si ay u sii socoto wada shaqeynta Madasha Qaranka, waxaana laga xasuustaa hadal qiimo leh islamarkaana macno weyn ku fadhiya ka jeediyay Magaalada Dhuusamareem, taaso oo ah “ wax la is jiidaba ama la is booxaariyaba caadi iska dhiga waxay ku dhammaatay Xasan Shiikh aa Madaxweyne ah”.

Dhinaca Siyaasadda arrimaha Dibadda waxa uu Madaxweynaha iyo Dowladdiisu ku dhaqaaqeen inay soo celiyo xiriirka Dunida ay Soomaalidu la leedahay, isagoo ka bilaabay Wadamada Safka hore ama Deriska la ah Soomaaliya, waxa uuna ku guuleystay inuu caadiyeeyo Xiriiradooda , kadibna waa uu safarro ku kala bixiyay wadammo isugu jira kuwa aan Walaalaha nahay iyo kuwa aan saaxiibada nahay, kuwaasi oo iyana la soo celiyay heshiisyadooda.

Dhinaca kale muddada halka sano ah ee ay jirtay Dowladda waxay Barlamaanka Soomaaliyeed la hor geeyay Hindise-sharciyeedyo badan oo maray dhammaan sharciyada Dalka, kana guteen waajibaadkooda laba Gole ee Baarlamaanada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi ah in ka badan 10 hindise-sharciyeed, islamarkaana oo uu saxiixay Madaxweynaha,la marsiiyayna faafinta rasmiga, waxaana ka mid ahaa Sharciga Argagixisada, sharciga Lacag dhaqista, sharciga Hey’adda Sirdoonka Qaranka iyo kuwa kale oo badan, kuwaasi dhammaantood waxtar u leh geeddi socodka Dowladnimo.

Dhinaca Deyn cafinta dowladda waxa ay sii dhiraan-dhirisay sidii deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya, waxaana loo koray geed dheer iyo mid gaaban, ugu dambeyntiina waxay soo gaarsiisay in la cafin doon dhammaan deymaha lagu leeyahay Dalka Soomaaliya bartamaha bisha asgoosto ee sanadkan, deyntaasi oo dhan 5 Billion oo Doolar.

Haddaba maadaama ay Dowladda muddo hal sano ah gudahood ku qabatay wixii lagu qaban jira sanooyin badan ayaan haatanna ka sii fileynaa inay dadaalkaasi ka sii waddo,  wanaajinta dowladnimada iyo horumarka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, iyadoo Dadweynaha Soomaaliyeed ay ugu hambalyeeynayaan waxqabadka Dowladdooda sanad jir sasatay.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Mukhtaar Roobow “Khawaarijta waa laga adkaanayaa, meelo badan ayaana looga adkaaday”.

Muqdisho (SONNA): Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta dowladda FS mudane Mukhtaar Roobow iyo qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo…

GudahaWararka
August 30, 2023

Guddoomiyaha aqalka sare oo ka tacsiyeeyey geerida Siteey Manoogto

Muqdisho (SONNA):  Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabullaahi ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirayaa…

GudahaWararka
September 4, 2024

Tirooyinka Khawaarijta isku soo dhiibaya dowladda oo sii kordhaya (WARBIXIN)

Tan iyo intii dagaalka adag lagu qaaday Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab, meel kastana lagu jabiyay ayaa waxaa soo kordhay…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed oo laga soo saaray Warmurtiyeed  

Shirweynaha Qurbajoogga Soomaaliyeed ee lagu qabtay Magaalada Dooxa, ayna martigelisay Dowladda Qatar ee aanu walaalaha nahay , socdayna 22-24 July…

GudahaSiyaasaddaWararkaWargayska
July 25, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023