Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group
    December 14, 2025
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta qaatay Kaarka Codbixinta Doorashada
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii hore ee Puntland
    December 14, 2025
    ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka
    December 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxaa u qabsoomay Madaxdweyne Xasan Sh. muddada halka sano ah. (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxaa u qabsoomay Madaxdweyne Xasan Sh. muddada halka sano ah. (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Maxaa u qabsoomay Madaxdweyne Xasan Sh. muddada halka sano ah. (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 15, 2023
8 Min Read
Share

Inta aan u gudagalin nuxurka warbixinta aad bal dib yara jaleecno, sidii mar kale loogu doortay Xilka Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee laba mar loo doorto, waxayna dorasho socotay muddo 10 saacadood ah ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, muddada afarta sano ah, isagoo wareeggii saddexaad ee doorashada kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Tirada guud ee codeysay ayaa aheyd 327 cod. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 214 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod. Waxaa hallaabay saddex cod. Mudane Xasan Sheekh ayaa horey Madaxweyne ugu soo noqday Soomaaliya 2012-kii ilaa 2017-kii.

Doorashadii ka dhacday Teendhada Afisyoone 15-kii May 2022-kii, ayaa waxaa ku tartamay 34 musharax oo ka mid ah 39 musharaxa oo markii hore isku diiwaan-geliyey doorashada, balse markii dambe ay shan ka hareen, waxaana Wareegga labaad ee doorashada u gudbay Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 65 cod, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 59 cod, Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 52 cod, iyo Xasan Cali Kheyre uu helay 47 cod,ย  waxaa kadib wareegga labaad ugu cod batay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo ay hareen Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre, ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 110 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kusoo xigay uu helay 83 cod. Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre ayaa kala helay 68 cod iyo 63 cod, sida ay u kala horreeyaan, waxaana sidaas wareegga ugu dambeeya ku gaaray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Codeyntaasi oo dib u dhacday muddo ka badan sanad sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed, ayay qasab ahayd in la qabto bishaasi, si ay u sii soocto lacag dhan 400 milyan oo dollaar oo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Dhashay 29 Noofambar 1955-ki, wuxuuna ku dhashay Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waa siyaasi Soomaaliyeed, waana aasaasihii iyo guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka . Waxaa loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 15-kii May 2022-kii, Waxa uu horay ula soo shaqeeyay Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya 2012 ilaa 2017. Waxa uu ahaa nin u dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga iyo siyaasadda, Xasan waxa uu hore u ahaa bare jaamacadeed iyo hormuud Kulliyadeed.

WAXABARASHADA: Mudane Xasan waxa uu dugsigii hoose dhexe iyo sare ku qaatay magaaladii uu ku dhashay ee Jalalaqsi, Ka dib waxa uu u soo wareegay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho 1978-kii, halkaas oo uu muddo saddex sano ah wax ka baranayey Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee deegaanka. Sannadkii 1981-kii, waxa uu machad ka qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda ee tignoolajiyada, Sannadkii 1986-kii, Xasan waxa uu u socdaalay dalka Hindiya oo uu bilaabay in uu dhigto Jaamacadda Bhopal (hadda Barkatullah University). Halkaas oo uu 1988-kii ku qaatay shahaadada mastarka ee waxbarashada farsamada. Xasan sidoo kale waa ka qalin jabiyay Machadka Dhisidda Nabadda xagaaga ee Jaamacadda Bariga Mennonite ee fadhigeedu yahay Harrisonburg, Virginia . Sannadkii 2001, waxa uu dhammaystay saddex ka mid ah koorasyada degdegga ah ee SPI, isaga oo baranaya dhexdhexaadinta, bogsiinta dhaawacyada, iyo naqshadaynta tababarro udub dhexaad u ah ardayd, ugu dambeyntiina waxa uu qaatay shahaada PHd-ka jaamacadda Nabadda ee qaramada Midoobay sanadkii hore.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud doorashiisa kadib waxa uu ballaan qaaday qodobo dhowr ah iyo hal ku dhig uu ku galay Ololahiisa doorasho, kaasi oo ahaa SOOMAALI HESHIIS AH DUNIDANA HESHIIS LA AH, waxa uuna isla markii la dhaariyayba ku dhawaaqay inuu Ammaanka dalka uu wax ka qaban doono, islamarkaana uu dagaal la gali doono Kooxaha Xagjirka ah ee argagaxisada Khawaarijta Al-shabaab, waa uuna ka dhabeeyay, isagoo dagaal ku qaaday, lagana xoreeyay dhammaan Deegaanada ka tirsan Gobolada Hirshabeelle iyo Galmudug, howgalkaasi oo ahaa Wejiga 1-aad, waxaana lagu xoreeyay in ka bad 52 magaalo, kadibna waxay Ciidamadu ku wajahan yihiin fulinta dagaalka wejigiisa 2-aad, kaasi oo la damacsan yahay in uu ka dhaco Webiga Jiinkiisa.

Muddadii halka sano aheyd ee ay jirto Dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxa ay ku guuleysatay islamarkaana ay waxa ka badashay Ammaanka iyo Xasiloonida Caasimada Dalka ee Muqdisho, taasoo laga dhigay mid ammaan ah,kadib markii laga howlgaliyay Ciidammo cusub, kuwaasi ay ku diirsadeen Dadka Shacabka ahaa ee ku dhaqnaa degmooyin ay dhibaatooyin ka geysan jireen Gaangis abaabulan iyo garanwaa.

Dhinaca kale waxa uu ka dhabeeyay halku dhiggiisa ahaa SOOMALI HESHIIS AH DUNIDANA HESHIIS LA H, waa uu shaqeeyay ayaa dhihi karnaa, waayoo markii la doortayba waxa uu ku dhaqaaqay inuu kulamo siyaasadeed la qaato Masuuliyiinta Maamul-goboleedyada Dalka, si ay u sii socoto wada shaqeynta Madasha Qaranka, waxaana laga xasuustaa hadal qiimo leh islamarkaana macno weyn ku fadhiya ka jeediyay Magaalada Dhuusamareem, taaso oo ah โ€œ wax la is jiidaba ama la is booxaariyaba caadi iska dhiga waxay ku dhammaatay Xasan Shiikh aa Madaxweyne ahโ€.

Dhinaca Siyaasadda arrimaha Dibadda waxa uu Madaxweynaha iyo Dowladdiisu ku dhaqaaqeen inay soo celiyo xiriirka Dunida ay Soomaalidu la leedahay, isagoo ka bilaabay Wadamada Safka hore ama Deriska la ah Soomaaliya, waxa uuna ku guuleystay inuu caadiyeeyo Xiriiradooda , kadibna waa uu safarro ku kala bixiyay wadammo isugu jira kuwa aan Walaalaha nahay iyo kuwa aan saaxiibada nahay, kuwaasi oo iyana la soo celiyay heshiisyadooda.

Dhinaca kale muddada halka sano ah ee ay jirtay Dowladda waxay Barlamaanka Soomaaliyeed la hor geeyay Hindise-sharciyeedyo badan oo maray dhammaan sharciyada Dalka, kana guteen waajibaadkooda laba Gole ee Baarlamaanada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi ah in ka badan 10 hindise-sharciyeed, islamarkaana oo uu saxiixay Madaxweynaha,la marsiiyayna faafinta rasmiga, waxaana ka mid ahaa Sharciga Argagixisada, sharciga Lacag dhaqista, sharciga Heyโ€™adda Sirdoonka Qaranka iyo kuwa kale oo badan, kuwaasi dhammaantood waxtar u leh geeddi socodka Dowladnimo.

Dhinaca Deyn cafinta dowladda waxa ay sii dhiraan-dhirisay sidii deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya, waxaana loo koray geed dheer iyo mid gaaban, ugu dambeyntiina waxay soo gaarsiisay in la cafin doon dhammaan deymaha lagu leeyahay Dalka Soomaaliya bartamaha bisha asgoosto ee sanadkan, deyntaasi oo dhan 5 Billion oo Doolar.

Haddaba maadaama ay Dowladda muddo hal sano ah gudahood ku qabatay wixii lagu qaban jira sanooyin badan ayaan haatanna ka sii fileynaa inay dadaalkaasi ka sii waddo, ย wanaajinta dowladnimada iyo horumarka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, iyadoo Dadweynaha Soomaaliyeed ay ugu hambalyeeynayaan waxqabadka Dowladdooda sanad jir sasatay.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group

Muqdisho(SONNA):-Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico), iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay dagaalka khawaarijta

Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Safiirka dowladda Turkiga Danjire Alper Aktas oo yeeshay wada…

GudahaWararka
March 13, 2025

Boqorka Cumaan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya ee dalkaas

Muqdisho(SONNA):-Boqorka Saldanada Dalka Cumaan Suldaan Haitham bin Tariq Al Said ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee…

GudahaWararka
November 14, 2024

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo gargaar u dirtay Baladweyne

Muqdisho (SONNA): Hay'adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA ayaa maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ay gaarsiisay diyaaradii ugu…

GudahaWararka
November 21, 2023

Madaxweynaha Hirshabelle oo ka hadlay dil xalay ka dhacay Magaalada Jowhar

Jowhar(SONNA):-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle ย Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Alle ha u…

GudahaWararka
February 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023