Muqdisho.(SONNA):- Howlgallada dalka ka socda ayaa Khawaarijta u horseeday in ay ku socdaalaan waddadii ay ku guuldareysan lahaayeen, in ka badan dhowr iyo toban sano ayay dhib ku hayeen dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Waxyaabaha laga faa’iday howlgallada dalka ka socda waxaa ka mid ah in deegaanno badan laga suuliyo fikirka Khawaarijta Al-shabaab. Hadda waxaa soo baxday in ay hoos u dhaceen tirada maleeshiyadii ku biiri jirtay Khawaarijta.
Haddaba waxaa idinla wadaageynaa sababta keentay in ay hoos u dhacaan:-
- Waxaa sii kordhaya tirada dhallinyarada iska soo dhiibay Khawaarijta Al-shabaab.
- Dhaqaalihii kooxda soo geli jiray oo hoos u dhacay, ka dib markii ay Dowladdu weerar ku qaaday illihii ay dhaqaalaha ka heli jireen argagixisadu.
- Cadaadis xooggan oo ay saareen maleeshiyada ay ku halaagayaan dagaallada xaqdarada ah ah.
- Weerarada lagu qaadayo deegaannada ay dalka kaga dhuumaleysanayeen Khawaarijta iyo dhimashada oo ku badatay.
- Dadka Soomaaliyeed oo fahmay dhagarta Khawaarijta Al-shabaab iyo in ay sifo qaldan ka bixiyaan Diinteenna Islaamka.
- Dhulka ay ka joogaan dalka oo soo yaraanaya tan iyo markii howlgalladu ay ku bilowdeen maleeshiyada maafiyada ee Al-shabaab.
Guuldarada ku dhacday waxaa muujinaya niyad jab xooggan oo argagixisada soo wajahaday, waxayna horjoogayaasha kooxdu iska ilaaliyaan in ay warbaahinta horyimaadaan si aan wajiyadooda looga garan guuldarada iyo weji gabaxa ku dhacay.
Sidoo kale, maleeshiyada kooxda Al-shabaab ayaa hadda bilaabay in ay dhexdooda dagaallamaan, islamarkaana iska dilay dhagarqabayaal iyo horjoogayaal badan, kuwaas oo ka madax adeegay amarada qaar ee kooxda.
Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ayaa jab xooggan gaarsiiyay kooxda kana qabsaday deegaanno badan,kuwaas oo muddo toban sano ka badan ay dadka ku gumaadi jireen, waxaana hadda deegaannadaas laga dareenayaa horumar, nabad iyo nidaam Dowladnimo oo ay ku diirsadeen.