Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Maxaa laga baran karaa dagaalkii Ceel Cali Axmed? (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxaa laga baran karaa dagaalkii Ceel Cali Axmed? (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Maxaa laga baran karaa dagaalkii Ceel Cali Axmed? (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 22, 2025
7 Min Read
Share

Ciidanka Qaranka oo kaashanayo Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, waxay si guul leh u fuliyeen howlgalo iyo duqeymo cirka ah oo ka dhan ah kooxda argagixisada Al-Shabaab 20-kii Febraayo 2025. Howlgalkan iyo duqeymahaasi ayaa la beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan agagaarka degmada Bulo Burte ee gobolka Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, waxaana looga hortagay iskuday maleeshiyadu ku abaabulaysay weerar gaadmo ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaysa shacabkreda waxay sii xoojinaysaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee caadeystay daadjinta dhiigga dadka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dowladda Mareykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah waxaa ka go’an cirirbtirka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish. Dadaalladan ayaa qayb ka ah istaraatijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka argagixisada khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka.

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ayaa ku dilay howlgalada lagu jabiyay cadowga oo in ka badan 130 Khawaarij ah, waxaana sidoo kale Khawaarijta looga furtay hub badan. Maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku hungoobay damacooda ayaa hadda haraadigooda waxaa lagu sii baacsanayaa dhulka howdka ah.

Xogta faahfaahinta ugu danbaysa sida Khawaarijta loogu jabiyay weerarka nafla caariga ah oo ay soo qaadeen ayaa lagu faahfaahiyay Warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya, waxaana lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Dadka deegaanka ay soo afjareen maleeshiyaad fara ku tiriska ahaa oo gabaad ka dhiganayey goobo ka mid ah deegaankii dhawaan lagu jabiyey khawaarijta, isku day weerar oo ay ka soo qaadeen dhanka dhulka howdka ah kooxda khawaarintu ayey Ciidanka xooggu jab culus gaarsiiyeen, waxaana inta la ogyahay in ka badan 130 Khawaarij ah ayaa lagu laayay howlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaannada hoos yimaada maamul-goboleedka Hirshabeelle.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa si wayn ugu jabiyay weerar nafla caari ah oo Khawaarijta Al-Shabaab ay ku soo qaadeen deegaannada Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Alkowsar iyo Daarunimca ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Faah faahinno dheeraad ah oo goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in  Horjoogayaal sar sare oo ka tirsanaa Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab lagu khaarijiyay, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyey  lagu laayey dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeeallaha Dhexe, sida lagu daabacay Bogga Wakaaladda Wararka ee SONNA.

Horjoogayaasha Khawaarijta loogu laayey deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ugu horreeya Horjooge Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisoow (Xasan Gureey) oo magaciisa afgarashada uu ahaa BAGAAX, waxaana uu ahaa Horjoogaha dagaal gelinta Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, isaga oo horey u hogaamiyey weerarro cadawga lagu naafeeyey oo ka kala dhacay Cowsaweyne, Ceel Cali Axmed iyo deegaanno kale , Khaarijintiisana waxa ay jab xooggan ku tahay Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab oo waayahanba naf la caari ahaa.

Horjoogayaasha kale ee Khawaarijta looga dilay saacadihii ugu dambeeyey gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka mid ah Horjooge Daahir Buuxsade oo ka mid ah Horjoogayaasha dagaal geliya Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, isaga oo horey Carruur badan oo Soomaaliyeed oo aan qaan gaarin dabka ugu shubay, balse Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay soo Af jareen shartiisa maalintii Khamiistii aheyd.

Horjoogayaasha kala ah:- Khaalid Jiis, Anas iyo Casaam oo dhammaantood ahaa Horjoogayaal saameyn ku dhex leh Khawaarijta Al-Shabaab marka ay joogto dagaallada ayaa iyaguna lagu soo Af jaray nolshooda gobolka Shabeelada Dhexe, iyadoo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ifka ka qariyeen dhibaatadii iyo gummaadkii ay shacabka Soomaaliyeed u geysan jireen.

Khaarijinta Horjoogayaashaan sar sare ee ka tirsan Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ah naafeyn aad u xooggan oo loo geystay cadawga Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo tirada Maleeshiyada iyo Horjoogayaasha laga dilay Khawaarijta Al-Shabaab ay tiradoodu ay aad u sii korortay.

“Dagaalka aan kula jirno Argagixisada wuu soconayaa, mana istaagayo, meelaha aan joogno ka soo noqon meyno, hore ayaanan u soconeynaa. Guusha kama dambeysta ah ee aan raadineyno waan gaareynaa, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanno ka tirsan maamul-gobleedka Hirshabeelle.

Goobjoogayaal tegay goobaha dagaalka oo ay ka mid ahaayeen Suxufiyiin ayaa mid ka mid Dadkaasi yaa sidaan yiri:-“Dadka Soomaaliyeed waxaa ku jira geesiyaal aan noocooda oo kale si sahlan loo heli karin.  Mujaahidkan qisadiisu waa cajiib, isaga iyo 24 wiil oo kale ayaa 24 saac oo xiriir ah Argagixisadda Al-Shabaab kula dagaalamayey deegaanka Masaajid, Ceel Cali ku yaala, iyadoo ay kooxda Shabaabku ay ku soo weerareen  Gawaari qaraxya ah iyo tikniko qorya ku xiran yihiin, si la yaqaan bay u jabiyeen, waxaana goobtii lagu dagaalamay daadsan Meydadkii khawaarijta oo aad moodo in sujuuda laga wada toogtey. Meel walba ha joogaane Askarta Soomaaliyeed waxaan qirsanahay inay yihiin geesiyo aan libiqsan oo waliba  ogol inay naftooda huraan”.

 

Haddaba waa kuma Ninkaasi, Qof kale maahaan waa ‘ Cabdi Maxamuud Suubiye’ oo aad uga sheekeeyay waxa ay ku dhigeen Kooxdii Khawaarijta aheyd ee duulaanka ku soo qaaday Deegaanka Ceel Cali Axmed, isagoo xusay inay weerar dhowr jeer ah ku soo qaadeen xilli habeen ah, ayna jilbaha u aasteen iyagoo 25 Nin ahaa, ayna ku guuleysteen inay ka talaabsadaan Meydadka fara badan oo ahaa Khawaarihtii duulaanka gardarada ahaa ku soo qaaday deegaankooda.

“Weerka Ariga laayaa

Marka uu wedkii galo

Libaaxuu Wan moodaa.

Shan iyo labaatan Wiil ayaa ka adkaatay Boqol iyo Konton Khawaariij ah oo wata Sideed Baabuur Tikniko ah iyo laba ka mid ahna ayQaraxyo ku raran yihiin. Wallee Hibaad Cali Dasar Rag la mida ayaa jooga”, sidaasi waxaa Bartiisa Bulshada ku qoray Maareeyaha Tiyaatarka Cusmaan Guure.

Kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab  ayaa Jabkii ugu xoogganaa lagu gaarsiiiyay gobalka Shabelada dhexe., iyadoo in ka badan 200 oo Horjoogayaal ku jiraan la dilay,  Ciidanka Qaranka ayaana Meydadkooda ka dul khudbeeyay, waxaana laga furtay Hub iyo sanaad fara badan, walina waa la sii baacsanayaa naf iyo Raqdoodaba.

 

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Muqdisho(SONNA):-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi,…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Muqdisho(SONNA);-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya Lionel Laurens iyo…

GudahaWararka
May 11, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo la kulmay madax ka socotay xarunta dhexe ee IGAD

Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA, Mudane Maxamud Macallim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Jamal Maxamed Xasan madaxa…

Gudaha
May 23, 2025

Xildhibaanno kormeeray goobihii laga xoreeyay khawaarijta

Dhuusamareeb-(SONNA)-Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federaalka  Soomaaliya oo ku sugan deegaannada khawaarijta laga xoreeyay ayaa kormeeray Magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud.…

GudahaWararka
April 14, 2023

Xildhibaan Xuseen Cali iyo Guddoomiyaha Gobolka Sh/ Hoose oo la kulmay ciidanka qaranka ee ku sugan Nambar Konton

Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan golaha shacabka iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Barre ayaa maanta gaaray deegaanka…

Gudaha
May 17, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023