Urur goboleedka IGAD Waa midaw ay ku bahoobeen waddamo dhaca Geedska Afrika, Ururkaan waxa la aas-aasay bishii January ee sanadkii 1986-kii, waxaana xarun u ah oo oo lagu aas-aasay, magaalo madaxda Jabuuti, aas-aaska ururkan waxa ka dambeeyay Madaxweynihii hore ee waddanka Jabuuti Mudane xasan Guuleed Abtidfoon. Waddamada IGAD Ka tirsan waxa lka mid ah:- Soomaaliya, Jabuuti, Ugandha, Suudaan, Koonfurta Suudaan, Eretareeya, iyo Itoobiya.
- Eratareya (2003) ayay ku biirtay.
- Soomaaliya (1986) ayay ku biirtay
- Jabuuti (1986) ayay ku biirtay
- Itoobiya (1986) ayay ku biirtay
- Suudaan (1986) ayay ku biirtay
- Koonfur Suudaan (2011) ayay ku biirtay
- Yugandha (1986) ayay ku biirtay
Wadamadani waxa ay iska kaashadaan waxyaabo kala duwan sida horumarinta deegaanka , nabadgalyada, Isdhexgalka wadamada, badanaa waddamada ku bahoobay IGAD waxaa saameeya abaaro iyo dagaallo sokeeye.
haddaba waxa safar ku yimid magaalada Muqdisho Xoghayaha Ururka IGAD ayaa mar kale sheegay in ay ka go’an tahay dhowrista madax bannaanida Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa caddeeyay sida ay IGAD uga go’an tahay dhowrista madax bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in IGAD ay aheyd Ururkii ugu horreeyay ee ku baaqa in hoggaamiyeyaasha dowladaha ay ilaaliyaan madax bannaanida dalka Soomaaliya.
Hadalka Gebeyehu ayaa imanaya ka dib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo u caddeeyay hadafka guud ee IGAD kaga aaddan gobolka , gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada ,horumarka mandiqadda iyo sidii xasillooni loogu wada noolaan lahaa.
Ururka IGAD ayaa marar badan ku celceliyay in la dhowro madax bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya, in kastoo ay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed ay ku xad gudubtay wada jirka dhuleed ee Soomaaliya.
Xoghayaha urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay damaca Ethiopia ku doonayso inay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ku qaadato. Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u wada qabteen isaga iyo Wasiirka arrimaha dibadda mudane Axmed Macallin Fiqi ayuu Workneh ku sheegay in IGAD ay ixtiraamayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
“Mowqifka IGAD waa mid cad, shirkii madaxda dalalka IGAD ee bishii January ayaa caddeeyey mowqifkeena, iyadoo lagu sheegay inay muhiim tahay ilaalinta midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya”. Xoghayaha IGAD ayaa ka hadlay dagaalada ka socda dalka Sudan, isagoo xusay inuu tixgelinayo dadaalka Soomaaliya ku doonayso in mar kale Sudan ay soo ceshato xubinimadeedii ururka.
“Caqabado ayuu wajahayaa gobolka. Igad waxay qaadan doonaa kaalin wax haaajinaysa, dhibaatooyinku way na soo marayaan weyna na dhaafayaan laakin nama qaybi karaan” iyadoo la ogsoon yahay in Soomaaliya ka mid aheyd dalalkii aas aasay Urur goboleedka IGAD oo ay ku jiraan dalka Soomaaliya, Djibouti, Kenya, Uganda, Ethiopia, Koonfurta Sudan iyo Eritrea.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo IGAD, xasilloonida Gobolka iyo isbedalka Cimillada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhimacyada amniga, dagaalka Argagixisada, dhaqaalaha iyo dowlad-wanaagga, waxa uuna adkeeyay muhiimada ay gobolka u leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyyaasha horumarineed ee heer gobol.
Dhankiisa, Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa soo bandhigay Istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada iyo horumarka gobolka.
Xoghayaha urur goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Muqdisho si uu wadatashiyo heerkiisu sarreeyo ula yeesho dowladda federaalka Soomaaliya.
Haddaba War saxaafadeed ka soo baxay booqashada Xoghayaha IGAD ayaa lagu sheegay, in booqashadan ay hoosta ka xariiqayso sida ay IGAD uga go’an tahay xoojinta iskaashiga qotoda dheer ee ay la leedahay Soomaaliya, oo ah xubin aas aastay Urur goboleedka IGAD, iyo xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka waara ee Geeska Afrika. Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, H.E. Dr. Workneh Gebeyehu ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Wadahadal ay yeesheen ayaa diiradda lagu saaray nabadda iyo amniga gobolka, iskaashiga dhaqaalaha, iyo qorshayaasha IGAD ee Soomaaliya ka socda.
Madaxweynahga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka IGAD ee horumarinta gobolka.
Kulan gaar ah oo uu la qaatay Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, H.E. Dr. Workneh ayaa dowladda Soomaaliya la saxiixday heshiis lagu sii xoojinayo xiriirka IGAD iyo Soomaaliya. Qodobbada ugu muhiimsan ee heshiiska ayaa ah in la dhiso xarun heer gobol ah oo heer sare ah oo dhanka dhaqaalaha buluuga ah.
Dr. Workneh ayaa ku ammaanay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka ay ku qaadayso nabadda iyo dowlad-dhisidda, isagoo muujiyay doorka muhiimka ah ee Soomaaliya ay ka ciyaareyso qaabeynta xasilloonida iyo amniga gobolka, wuxuuna kaloo xaqiijiyay in IGAD ay sii wadi doonto taageerada dadaallada Soomaaliya ee wax looga qabanayo caqabadaha sida ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, wax ka qabashada barakicinta cimilada, iyo kobcinta maamul loo dhan yahay.
Dr. Workneh oo ka hadlayay booqashada ayaa yiri “Soomaaliya kaliya ma ahan xubin aasaasi ah oo IGAD ka tirsan balse sidoo kale waa saaxiib muhiim ah oo ku aaddan howlgalka aan wadaagno ee ah horumarinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Geeska Afrika. Waxaan garab taaganahay Soomaaliya inta ay ku sii socoto wadadii ay ku gaari laheyd nabad iyo barwaaqo waarta, waxaana sii wadi doonnaa taageerada dadaallada dowladda ee lagu dhisayo Qaran adkaysi leh.”
By. C/lahi Ruush