Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Guud ee Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa gudoomiyay kulan muhiim ah oo lagu soo bandhigay warbixinada natiijooyinka wax ku-oolka ahaa ee la xiriira safarradii dibadda oo ay wafdiga heerka sare ah ay dhawaan ku tageen dalalka Ingiriiska, Swizerland iyo Jarmalka. Ujeedooyinka safaradaas ayaa ku qotomay sare u qaadista aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga iyo sugida amniga socdaalka iyo xuduuddaha.
Qoddobada looga hadlay Kulanka:
1. Soo bandhigidda natiijooyinka u qabsoomay wafdiga HSJ ee safarradaas iyo guulaha laga gaaray wada-xaajoodyadii dhacay.
2. Meelaha laga bilaabayo iskaashiga iyo maalgelinta, gaar ahaan barnaamijyada tayeynta adeegyada socdaalka, sugidda amniga xuduudaha, iyo kobcinta adeeg-bixinta muwaadiniinta.
3. Fikradaha cusub iyo farsamooyinka la heli karo si loo horumariyo shaqada Hayโadda gudaha dalka.
4. Warbixin wadaag iyo is-dhaafsi xogeed, si waaxyuhu ugu dhisaan qorshayaashooda shaqo miraha safaradaas.
Goโaamada iyo Tallaabooyinka ka dhashay Natiijooyinka Safarradaas:
โข In waaxyaha HSJ ay si buuxda uga faaโiideystaan fursadaha iskaashi ee laga helay dalalkaas.
โข In xafiiska Waxqabadka iyo Isla xisaabtanka oo soo diyaariyo qorshe howleed lagu fulinayo waxyaabaha natiijooyinka kasoo baxay safarradaas.
โข In la sii xoojiyo xiriirka dibadda ee Hayโadda si guulahaan oo kale ah sare loogu sii qaado.
โข In loo diyaar garoowo wakiilo ka socda hayโadaha dhigeenna ah ee dalalkaas, si ay nooga taageeraan kaabayaasha tiknoolijiyada casriga ah.
