Muqdisho (SONNA): Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Hodan Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Aqalka Congress-ka gobalka Meninsota ee dalka Mareykanka.
Xildhibaano ka socday labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ,wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Banaadir ayaa qeyb ka ahaa masuuliyiin dowladda ee Soo dhaweynta diiran u sameeyay Xil. Hodon Xasan.
Wasiir kuxogeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS Isaaq Ibraahim ayaa tilmaamay in ka dowlad ahaan ay soo dhaweynayaan hodon iney dalkeeda koowaad ay timaado.
Xil. Hodon Xasan ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta ay u sameeyay masuuliyiinta ka socotay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.