Xarardheere (SONNA) Wasiirada arrimaha gudaha, Kalluumaysiga, Xildhibaano ka Tirsan dowladda FS iyo Galmudug iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer dhiirigalin ah ugu tagay ciidamada Khawaarijta kula dagaalamaya duleedka degaanka Shabeellow ee koonfurta Gobolka Mudug.
Masuuliyiintaan heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ayaa saraakiisha ciidamada la qaatay kulan lagu gorfeeyey dagaalka lagula jiro Argagixisada, muddada loo qorsheeyey in degaanada Galmudug looga Ciribtiro, iyadoo ciidamada iyo Saraakiisha Hogaamineysa looga mahadceliyay jabkii ay gaarsiiyeen Khawaarijta.
Howlgalka ka socda Koonfurta Gobolka Mudug ayaa laga gaaray guulo ballaaran iyadoo laga xoreeyey degaano badan oo ka tirsan koonfurta Mudug.