Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda FS oo qeyb galay xuska 11-sano guurada dib u hawlgelinta Isbitaalka Digfeer
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda FS oo qeyb galay xuska 11-sano guurada dib u hawlgelinta Isbitaalka Digfeer
GudahaWararka

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda FS oo qeyb galay xuska 11-sano guurada dib u hawlgelinta Isbitaalka Digfeer

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: November 12, 2024
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo wasiirka Caafimaadka dowladda FS Dr. Cali Xaaji, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabada xuska 11-sano guuradii ka soo wareegtay markii dib loo hawlgeliyay isbitaalka Recep Dayib Erdogan Ex Digfeer.

Wasiirka Caafimaadka oo ka hadlay munaasabadda ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay iney burburkii dalka ka dib in Soomaaliya ay ka taageertay dib u soo celinta iyo howlgelinta isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo baahi weyn loo qabay.

Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyey maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka sida naxariista iyo wanaagga leh ay uga shaqeeyaan bukaanada isbitaalka soo booqda isaga oo ku booriyay iney shaqadooda sii laba jibaaraan.

Waxaa sidookale halkaas ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxmaan Moobleen oo si guud uga mahadceliyay maamulka Isbitaalka iyo shaqaalaha isaga oo xusay Isbitaalka uu yahay mid wax badan u qabtay shacabka Soomaaliyeed ee la taala dhacaya xanuunada kala duwan waxaana uu u mahadceliyay dowladda Turkiga oo isbitaalka taageerta.

Gudoomiyaha ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr Luul Maxamed Maxamud ayaa dhankeeda xustay in Isbitaalka Erdogan ka hor ineysan jirin adeegyo badan oo caafimaad oo dalka u baahnaa balse hadda uu soo kordhiyay, waxaana maamulka Isbitaalka ay ku amaantay soo kordhinta adeegyo caafimaad oo dadka ay u baahan yihiin kuwaa oo kamid ah qaliimada furan ee wadnaha.

Intaas kadib maamulaha Guud ee isbitaalka Dr Ertan Kayacan oo u dhashay dalka Turkiga ayaa xusay in marwalba uu Isbitaalka u taagan yahay sidii uu u dabooli lahaa baahiyaha caafimaad ee dadka Soomaaliyeed isaga oo xusay iney sii kordhin doonaan.

Ugu dambeyntii agaasimaha Isbitaalka Racep Dayib Erdogan Maxmed Xuseen (Ashraf) ayaa u mahadceliyay wasaaradaha caafimaadka Soomaaliya iyo Turkiga ee sida hagar la’aanta ah ula shaqeeya Isbitaalka kana taageera dhinacyada qalabka, daawada iyo caafimaadka iyo waliba Tababarrada.

Agaasime Maxamed Asharaf ayaa ka hadlay qaar kamid ah waxqabadyada ugu waaweyn ee Isbitaalka iyo adeegyada uu soo kordhiyay “ Wax weyn ayey nooga dhigantahay u qidmeynta shacabka Soomaaliyeed iyadoo Isbitaalka uu ku talllaabsaday horumaro kala duwan inagoo soo kordhinay qaabilaadda Bukaanada ee Habeenki (Bukaan socodka) qaliimo casri ah oo horay loogu aadi jiray dalka Dibadiisa iyo waliba qaliinka wadnaha furan oo markii ugu horeysay aan dalka ka hergelinay”

Agaasimaha Isbitaalka ayaa sidoo kale sheegay in dad kala duwan oo xaalado caafimaad oo aad u liita qabay in dalka Dibadiisa gaar ahaan dalka Turkiga in loo qaaday si bilaash ah islamarkaana hadda xaaladooda caafimaad ay soo hagaageyso isaga oo xusay iney sii laba jibaari doonaan shaqadan waxaana uu u mahadceliyay Dhakhatiirta, kalkaalisoyinka iyo waliba shaqaalaha kala duwan ee Isbitaalka Recep Dayib Ordogan.

Gabagaadii munaasabadda xuska 11-sano guuradii kasoo wareegatay markii dib loo howlgeliyay isbitaalka Digfeer waxaa la abaalmarinay qaar kamid ah shaqaalaha Isbitaalka oo isugu jira waaxyahiisa kala duwan kuwaa oo lagu dhiirogelinayay shaqo wanaag ay la imaadeen.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mileteriga Myanmar oo xayiray isticmaalka baraha bulshada

Dowlada militariga ee afgambiga ku qabsaday dalka Myanmar ayaa xayirtay isticmaalka baraha bulshada si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ee ka…

Wararka
February 4, 2021

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Moqikori Hiiraan

Moqikori (SONNA): Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw ka degay magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey…

GudahaWararka
March 18, 2025

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka oo la kulmay madaxda hay’adda USAID

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Hay’adda…

GudahaWararka
February 26, 2024

Ra’iisul wasaare Xamse oo khudbad ka jeediyay munaasabad loogu dabaal-dagayey deyn cafinta

Muqdisho (SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlay munaasabad loogu dabaal-dagayey dhammeystirka geeddiga…

GudahaWararka
December 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023