Muqdisho (SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Xildhibaan Maxamed Caddow oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa maanta lagu soo dhoweeyay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabada soo dhaweynta wafiga oo lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho waxa kasoo qeyb galay wasiiro,xildhibaano katirsana labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.
Xildhibaan Maxamed Caddow oo la hadlay warbaahinta ayaa mahadcelinta soo dhoweyntiisa kadib sheegay in uu ku faraxsanyahy xiriirka qotada ddheer ee uu dhaxeeya Soomaaliya iyo kenya oo meel wanaagsan marayo.
“Waxaan ku faraxasanahy xiriirka soo jireenka ah ee uu dhaxeeyo Soomaaliya iyo kenya oo maalinba maalinka ka dambeyso sii xoogeysanayo,ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya waa xubin muhiim ah oo aan la dhayalsan karin sida ay uga dhax muuqdaan hormarada kala duwan ee dalka ka socdo”sidaa waxaa yiri Xildhibaan Maxamed Caddow
Masuuliyiinta kale ee ka qeybgashay soo dhoweynta xildhibaanka ayaa ddhamaantood muujiyay sid ay ugu farxsanyihin soo dhoweynta xilidhibaan,iyo xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeyay labada dal.