BAYDHABO-(SONNA)- Guddoomiyaha Barlamaanka Koonfur galbeed Dr, Cali Saciid Fiqi ayaa maanta Magaalada Baydhabo ka daahfuray barnaamij la xariira ka soo kabashada Xasaradaha Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda qorshaynta Koonfur galbeed .
Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wasiirka qorshynta koonfur galbeed, qaar ka mid ah Wasiirada, Gudigga mashruuca Xasaradaha iyo Agaasimayaasha guud ee wasaradaha qaarkood.
Ugu horayn waxaa ka hadlay shirka Cali Xaaji Aadan oo ah Gudoomiyaha mashruuca,isagoona soo hadal qaaday dadaalka lagu gaaray in mashruucan heerkaan uu soo gaaro ,
Wasiirka wasaarada qorshaynta koonfur galbeed Ahmed Madoobe Nuunow ayaa dhankiisa sheegay in mashruucaan koonfur galbeed muhiimad wayn uu u leeyahay, wuxuuna soo dhaweeyay fulinta barnaamijkaan.
Guddoomiyaha Barlamaanka Koonfur Galbeed Dr, Cali Saciid Fiqi ayaa dhankiisa waxaa uu aad uga hadlay saamaynta abaaraha soo noqnoqday iyo fatahaadaha,taas oo uu sheegay inay muhim tahay in laga hortago, isagoona intaasi raaciyay in dhibaatada ugu badan ka imaaanayso isbadalka cimilada .