Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Mashruuca Baxnaano waxa uu yimid wakhti ku haboon ! (Qormo)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Mashruuca Baxnaano waxa uu yimid wakhti ku haboon ! (Qormo)
Wararka

Mashruuca Baxnaano waxa uu yimid wakhti ku haboon ! (Qormo)

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 25, 2020
3 Min Read
Share

Finland(SONNA)Waxaan daawaday muuqaal lagu daah-furay mashruuc loo bixiyay ”Baxnaano” oo dowladda Soomaaliya ay dhaqaale lacageed oo qoondaysan ku siinayso qaar ka tirsan danyarta Soomaaliyeed ee loo gartay in ay baahida ugu badan u qabaan qoondadan.

Labo arrin ayaa markiiba igu soo dhacday marka aan muuqaalkaas arkay:

  • Tan koowaad waa, in Alle SWT ku hanuuniyay hoggaanka dalka in ammaanada ay qaadeen ay uga soo baxaan ugu yaraan qaab niyad wanaag iyo rabitaan leh.
  • Tan labaadna waa in hal-ku-dhigga dowladdan ee ah ”Nabad iyo Nolol” uu dhaboobay ama uu qarka u saaranyahay in uu dhaboobo. Ku celcelinta hadal wanaagsan oo dhegaha u roon wuxuu ku soo aadaa sida marar badan dhacda wakhti ay samadu furantahay oo uu Alle SWT ajiibo wixi afka addoomihiisa ka soo baxa,Waxaan tan ula jeedaa, in Alle aqbalay ujeedada ku hoos duugan oraahda ”Nabad iyo Nolol” oo ah labada ammuurood ee ayna sida aadka ah ugu il-darannahay.

Waxaan hadda ku jirnaa wakhti iyo waayo uu qofba taagtiis uga gaashaamanayo xanuun aan daawo iyo daryeel laheyn, waxa kaliya ee lagula tacaali karana lagu sheegay in ay tahay ”guryaha oo la jooga, dhaqdhaqaaqa iyo xiriirka dadkana la yareeyo”. Waa yaab! Taladaas wax miyeey u taraysaa qofka ku nool meerto-nololeedka loo yaqaan ” Nin quwaax helay, Nin qaroon helay, Ha la qarafsado”? Jawaabto waa maya, waayo waxaa qofkaas la deris ah ”labo kala daran mid dooro”.  Waa Gaajo guri og iyo cudur geeri og!

Mar haddii haahaabad waa hagar la’aane ay dowladdu dhabarka u ridatay nafaqaynta tira qoondaysay, waxaa dad badan oo adiga iyo aniguba aan ku jiro la gudboon in ay dhankooda ka billaabaan samatabixinta walaalaheenna kale ee tirada badan oo aysan gacanta dowladdu wada gaari karin.

Ganacsatada Alle wax siiyay waxaan aaminsanahay in ay dalka iyo dadka u faa’iideeyeen kana faa’iideysteen, sidaas darteedna ay mudan yihiin in loo mahadceliyo.

Mahadcelintaas ka sokow waxaa saaran mas’uuliyad weyn oo ku aaddan in ay gacan u fidiyaan dadka markoodii hore dan-yaraa oo diihaalka gaajada qabay haddana dunida kale la qaba dayaca uu Korona keenay.

Dowlad waa shacab, shacabna waa dowlad! Gacmo wadajir ayeey wax ku gooyeen, isgarabsiga waa lagu guulaystaa!

 W/Q: Cabdi Muuse Macalin

Qoraagu waa Suxufi madaxbanaan, Macalliin Saxaafadeed, Turjubaan iyo Nabadjire

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo casho sharaf u sameeyey diblomaasiin dalka yimid

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga   Amb Axmed Ciise Cawad   ayaa  kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin dalka…

Wararka
December 4, 2019

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kula qaatey Madaxweynaha Jubbaland

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federalka Soomaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatey Madaxweynaha Dowlad…

GudahaWararka
May 23, 2024

Wasiirka Qoyska oo la kulmay safiirka Sacuudiga

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Qoyska iyo horumarinta Xaquuqul insaanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safaaradda Sacuudiga ayaa ka wada shaqeyn doona mashriic…

GudahaWararka
September 25, 2024

Dowladda Hoose ee Xamar oo shaqo ka qabatay dib u furidda isgoyska Miranaayo “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Iyaddoo la fulinayo amarka Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho…

GudahaWararka
May 7, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023