Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Mashruuca Baxnaano waxa uu yimid wakhti ku haboon ! (Qormo)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Mashruuca Baxnaano waxa uu yimid wakhti ku haboon ! (Qormo)
Wararka

Mashruuca Baxnaano waxa uu yimid wakhti ku haboon ! (Qormo)

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 25, 2020
3 Min Read
Share

Finland(SONNA)Waxaan daawaday muuqaal lagu daah-furay mashruuc loo bixiyay ”Baxnaano” oo dowladda Soomaaliya ay dhaqaale lacageed oo qoondaysan ku siinayso qaar ka tirsan danyarta Soomaaliyeed ee loo gartay in ay baahida ugu badan u qabaan qoondadan.

Labo arrin ayaa markiiba igu soo dhacday marka aan muuqaalkaas arkay:

  • Tan koowaad waa, in Alle SWT ku hanuuniyay hoggaanka dalka in ammaanada ay qaadeen ay uga soo baxaan ugu yaraan qaab niyad wanaag iyo rabitaan leh.
  • Tan labaadna waa in hal-ku-dhigga dowladdan ee ah ”Nabad iyo Nolol” uu dhaboobay ama uu qarka u saaranyahay in uu dhaboobo. Ku celcelinta hadal wanaagsan oo dhegaha u roon wuxuu ku soo aadaa sida marar badan dhacda wakhti ay samadu furantahay oo uu Alle SWT ajiibo wixi afka addoomihiisa ka soo baxa,Waxaan tan ula jeedaa, in Alle aqbalay ujeedada ku hoos duugan oraahda ”Nabad iyo Nolol” oo ah labada ammuurood ee ayna sida aadka ah ugu il-darannahay.

Waxaan hadda ku jirnaa wakhti iyo waayo uu qofba taagtiis uga gaashaamanayo xanuun aan daawo iyo daryeel laheyn, waxa kaliya ee lagula tacaali karana lagu sheegay in ay tahay ”guryaha oo la jooga, dhaqdhaqaaqa iyo xiriirka dadkana la yareeyo”. Waa yaab! Taladaas wax miyeey u taraysaa qofka ku nool meerto-nololeedka loo yaqaan ” Nin quwaax helay, Nin qaroon helay, Ha la qarafsado”? Jawaabto waa maya, waayo waxaa qofkaas la deris ah ”labo kala daran mid dooro”.  Waa Gaajo guri og iyo cudur geeri og!

Mar haddii haahaabad waa hagar la’aane ay dowladdu dhabarka u ridatay nafaqaynta tira qoondaysay, waxaa dad badan oo adiga iyo aniguba aan ku jiro la gudboon in ay dhankooda ka billaabaan samatabixinta walaalaheenna kale ee tirada badan oo aysan gacanta dowladdu wada gaari karin.

Ganacsatada Alle wax siiyay waxaan aaminsanahay in ay dalka iyo dadka u faa’iideeyeen kana faa’iideysteen, sidaas darteedna ay mudan yihiin in loo mahadceliyo.

Mahadcelintaas ka sokow waxaa saaran mas’uuliyad weyn oo ku aaddan in ay gacan u fidiyaan dadka markoodii hore dan-yaraa oo diihaalka gaajada qabay haddana dunida kale la qaba dayaca uu Korona keenay.

Dowlad waa shacab, shacabna waa dowlad! Gacmo wadajir ayeey wax ku gooyeen, isgarabsiga waa lagu guulaystaa!

 W/Q: Cabdi Muuse Macalin

Qoraagu waa Suxufi madaxbanaan, Macalliin Saxaafadeed, Turjubaan iyo Nabadjire

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Golayaasha Baarlamanka oo maanta ka dooday cutubka 4-aad ee Dastuurka oo dib u eegis ku socoto

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan ku-xigeennada labada…

GudahaWararka
March 20, 2024

Shirka amniga Gobolka Banaadir oo looga hadlay Barnaamijka Bulsho bile

Muqdisho-(SONNA)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Xalay oo Khamiis ahayd yeeshay kulan Todobaadle ah oo inta badan lagu gorfeeyo arrimaha ammaanka, soo…

Wararka
January 23, 2020

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo ku baaqay in la garab istaago ciidanka Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo warabaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in la…

GudahaWararka
September 3, 2023

Wasiirka gaashaandhigga Jabuuti oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

Muqdisho (SONNA): Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka…

GudahaWararka
December 16, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023