Mashruucaan oo lagu magac daray dhisidda iyo dib ukabashada waxbarashada Gobolka Banaadir oo hoggaan ay u tahay wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dalka oo ay maalgelinayo Hay’adda Himilo Foundation oo ka shaqeysa horumarinta waxbarshada ayaa maanta magaalada muqdishi ka daah-furay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada dowladda Soomaaliya Axmed Xasan Yususf,kadib munaasbada lagu qabtay muqdisho ayna ka qeybgaleen mas’uuliyiin iyo maamulada iskuulada mashruucan ka faaideysanaya.
Mashruucan waxaa Maalgelinaya Hay’adda KFW iyo UNICEF,hirgelinta waxaa iska leh Himilo Foundation,iyadoo ay hoggaaminayso wasaaradda waxbarashada.
Guddoomiyaha Hay’adda Himilo Foundation Axmed Xuseen Ducaale oo furitaanka ka hadlayay ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan 13 iskuul oo ka mid ah dugsiyada ay dowladda Soomaaliya la wareegtay gacan ku heyntooda,wuxuuna muujiyay muhiimadda uu mashruucan uu u leeyahay waxbarashada ardayda Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir
Maamulaha iskuulka Deyniile Daahir Xasan Tooxoow iyo Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi maamulaha iskuula 20 december ayaa balan qaaday inay sidii loogu talagalay ugu adeegi doonaan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata iskuulada ay gacanta ku hayaan.
Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarshada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Yuusuf ayaa sheegay in wasaaraddu ay wado tayaynta waxbarshada dalka iyagoo guud ahaan iskuulada muqdisho ku yaaal lagu sameyay tiro koob si wax looga ogaado heerka ay gaarsiisanyihiin.
Hay’adda Himilo Foundation waxaa la aas aasay 2002,waxaana gacanta ku heysaa 13 iskuul oo ku yaalo caasimadda kana mid ah goobaha waxbarashada oo ay dowladda Soomaaliya dib ula wareegtay,sidoo kale waxaa haatan ay waxbarasho siisaa in kabadan sagaal kun oo ah arday Soomaaliyeed.