Muqdisho (SONN): Dowladda hoose ee magaalada Muqdisho ayaa heshiis la gaartay shirkadda Ifi iyo shirkad kale oo laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo ku aadan bilaabidda mashruuc koronto looga dhalinayo qashinka caasimadda, si loo helo xoog koronto tayo leh, islamarkaana qashinka looga nadiifiyo caasimadda.
Wasiir ku xigeenka wasarada tamara iyo kheyradka biyaha dowladda FS mudane Ibrahim Maxamed Cali, mas’uuliyiinta shirkadaha heshiiskan qaybta ka ah, rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay heshiiska.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay madasha ayaa xusay in heshiiskan uu waxtar wayn u leeyahay caasimadda oo sanadihii dambe samaynaysay horumar wayn oo dhinacyada ganacsiga iyo bulshada ah.
Mudane Ibrahim Maxamed Cali wasiir ku xigeenka wasarada tamara iyo kheyradka biyaha dowladda FS ayaa isna xusay in helitaanka adeeg koronto oo tayo leh uu caasimadda u fududeyn doono inay ku tallaabsato horumarka warshadaha oo baahi wayn ay xilligan Soomaaliya u qabto.