Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Marwada Koowaad ee Dalka oo Magaalada Baraawe ka Dhagax dhigtay Xarun Caafimaad+Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Marwada Koowaad ee Dalka oo Magaalada Baraawe ka Dhagax dhigtay Xarun Caafimaad+Sawirro
Wararka

Marwada Koowaad ee Dalka oo Magaalada Baraawe ka Dhagax dhigtay Xarun Caafimaad+Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 7, 2020
2 Min Read
Share

Baraawe-(SONNA)-Marwada Koowaad ee Dalka Marwo; Saynab Cabdi Macallin oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane; Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa si wada jir ah uga Dhagax dhigay magaalada Baraawe xarun loogu talagalay daryeelka caafimaad ee Hooyada iyo dhallaanka.

Marwo; Saynab ayaa ka warbixisay muhiimadda qorshaha hirgelinta Xarummaha caafimaad oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay xoogga saartay, si xal waara loogu helo baahiyaha iyo dhibaatooyinka caafimaad ee haysta hooyooyinka Soomaaliyeed iyo ubadkooda.

“Xaruntan caafimaad waxa aan ugu talagalnay wax ka qabashada dhibaatooyinka soo wajaha hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Baraawe iyo inta ku xeeran. Waxa nasiib wanaag ah, in reer Baraawe aad noqoteen magaaladii koowaad ee nasiib u heshay in laga hirgeliyo mashruucan.”

Marwada koowaad ee Dalka oo sheegtay in dhismaha iyo qalabeynta xarunta lagu hirgelin doono sanadkan gudihiisa ayaa ku bogaadisay maamulka degmada Baraawe iyo bulshada ku dhaqan sida ay ugu mideysan yihiin horumarka iyo amniga.
“Waxaan ugu baaqayaa hooyooyinka iyo bulsho-weynta Gobolkan Shabeellaha Hoose in ay u tashadaan sidii dib loogu soo noolayn lahaa adeegyada aasaasiga ah.”

Dhankiisa, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa uga mahadceliyey Marwada Koowaad ee dalka hirgelinta Xarunta Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee Baraawe, isagoo tilmaamay in dhismaha xaruntan ay kaabeyso kobaca nololeed ee bulshada Gobolka.

Marwada Koowaad ee Dalka waxaa socdaalkan ku wehelinayey wafdi heer Federaal ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Mudane Xamse Siciid Xamse, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Marwo Deeqa Yaasiin Xaaji, Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Siciid Fiqi, Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Mudane; Cabdullaahi Shiikh Cabdikariin, Agaasimaha Hay’adda Saynab Moallim Foundation Mudane Caydaruus Maxamuud Cismaan, Guddoomiyeyaal iyo saraakiil ka tirsan Dowladda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal ku dilay 17 dhagarqabe oo ka tirsanaa Argagixisada

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka  ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone…

GudahaWararka
January 13, 2026

Maraykanka oo ciidan la dagaallama Al-shabaab usoo diraya Kenya

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ciidamo gaar ah uu u dirayo Kenya si ay gacan uga…

CaalamkaWararkaWargayska
June 13, 2021

Dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wadashaqeynayo ciribtirka Al-shabaab

Muqdisho:(SONN) Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka ayaa ka wadashaqeynaayey si ay cadaadiska argagaxisada Alshabaab uga qaadaan dalka Soomaaliya. Wadashaqeyntaa…

Wararka
April 2, 2020

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Safiirka Sweden ee Soomaaliy

Muqdisho (SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u…

CaalamkaGudahaWararka
December 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023