Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Marwada 1-aad ee Dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Marwada 1-aad ee Dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed
WararkaWargayska

Marwada 1-aad ee Dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 9, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)–Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo shalay ka qeyb gashay munaasabadda xuska maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ayaa bogaadin, duco iyo mahadcelin u jeedisay haweenka Soomaaliyeed ee sooyaalka dalkeenna kaga jira baal dahab ah.

Marwada ayaa xustay qaar ka mid ah haldoorka Haweenka Soomaaliyeed oo tusaale muuqda u ah kaalinta haweenka ee dib u dhiska iyo samata bixinta dalka, iyada oo guud ahaan haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay maalintan caalamiga ah ee loo asteeyey u qareemidda xuquuqdooda, iyadoo tiri:-โ€œHalgankii gobonnimo doonka waxaa jiray hooyooyin lafdhabar u ahaa oo aan ka xusi karo Xaawo Cusmaan Taako iyo Timiro Cukaash. Waxaa jira kuwa haatan ah tusaale nool oo aan ku faani karno dadaalkooda iyo kaalinta ay ka gaysteen dhismaha Cusbitaallo, xarummo daryeel, ilaalinta deegaanka iyo ka qeyb galka nabad dhisiddaโ€.

Marwada Koowaad ee dalka ayaa dul-istaagtay duruufaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee soo wajaha dalkeenna iyo saameynta gaarka ah ee ay ku yeeshaan haweenka iyo dhalllaanka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu dambeysay fatahaadihii Gobollada Hiiraan, Baay iyo Gedo. Marwada ayaa ku baaqday in la xoojiyo isku tashiga, is-garab istaagga iyo midnimada haweenka Soomaaliyeed oo aasaas u ah xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran.

โ€œAniga oo kaashaanaya gabdhaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika iyo culumadeena sharafta leh waxaan u istaagnay in aan gacan ka geysanno dadkii dhibaatooyinku ay ka soo gaareen fatahaadaha, waxaana laba magaalo oo aan tagnay Eebe nagu guuleeyay in aan uruurinno lacag gaareysa dhawr boqol oo kun oo Doollar oo si toos ah loogu wareejiyay guddiyadii hawshaas waday.โ€ Ayay tiri Marwada Koowaad ee Dalka.

Munaasabaddu, intii ay socotay Marwada Koowaad ee dalka ayaa Shahaado Sharaf guddoonsiisay qaar ka mid ah haldoorka haweenka Soomaaliyeed ee dadaalka xooggan ku bixiya ilaalinta xuquuqda haweenka, midnimada, nabadda, daryeelka carruurta iyo kobcinta aqoonta gabdhaha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Uganda : Ganacsato Soomaalieed oo kacabanayo boob iyo jirdil

Kampala(SONNA) Soomaalida ku nool dalka Uganda gaar ahaa kuwa dagan magaalada Kampala ayaa ka cabanaya tuugo badan oo si gaar…

Wararka
December 5, 2019

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga XFS oo ka hadlay howlgalo lagu dilay xubno katirsan Argagixisada

Muqdisho(SONNA):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumaddaย  Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ayaa ka hadlay howlgalada ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab ee ka…

GudahaWararka
June 15, 2021

Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo qaatay kaarka isdiiwaangalinta codbixiyaasha

Muqdisho(SONNA);-Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Cali Maxamed Geedi ayaa maanta qaatay kaarka isdiiwaangalinta codbixiyaasha golaha deegaanka, isagoo ka qaatay…

GudahaWararka
May 5, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay guulaha…

GudahaWararka
September 29, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023