Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden
    February 24, 2026
    Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe
    February 24, 2026
    Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan
    February 24, 2026
    Safiirka Soomaaliya ee Australia oo aqoonsiga laga guddoomay
    February 23, 2026
    Wasiirka Hawlaha Guud ee XFS iyo wafti uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb
    February 23, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Marwada 1-aad ee Dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Marwada 1-aad ee Dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed
WararkaWargayska

Marwada 1-aad ee Dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 9, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)–Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo shalay ka qeyb gashay munaasabadda xuska maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ayaa bogaadin, duco iyo mahadcelin u jeedisay haweenka Soomaaliyeed ee sooyaalka dalkeenna kaga jira baal dahab ah.

Marwada ayaa xustay qaar ka mid ah haldoorka Haweenka Soomaaliyeed oo tusaale muuqda u ah kaalinta haweenka ee dib u dhiska iyo samata bixinta dalka, iyada oo guud ahaan haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay maalintan caalamiga ah ee loo asteeyey u qareemidda xuquuqdooda, iyadoo tiri:-“Halgankii gobonnimo doonka waxaa jiray hooyooyin lafdhabar u ahaa oo aan ka xusi karo Xaawo Cusmaan Taako iyo Timiro Cukaash. Waxaa jira kuwa haatan ah tusaale nool oo aan ku faani karno dadaalkooda iyo kaalinta ay ka gaysteen dhismaha Cusbitaallo, xarummo daryeel, ilaalinta deegaanka iyo ka qeyb galka nabad dhisidda”.

Marwada Koowaad ee dalka ayaa dul-istaagtay duruufaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee soo wajaha dalkeenna iyo saameynta gaarka ah ee ay ku yeeshaan haweenka iyo dhalllaanka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu dambeysay fatahaadihii Gobollada Hiiraan, Baay iyo Gedo. Marwada ayaa ku baaqday in la xoojiyo isku tashiga, is-garab istaagga iyo midnimada haweenka Soomaaliyeed oo aasaas u ah xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran.

“Aniga oo kaashaanaya gabdhaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika iyo culumadeena sharafta leh waxaan u istaagnay in aan gacan ka geysanno dadkii dhibaatooyinku ay ka soo gaareen fatahaadaha, waxaana laba magaalo oo aan tagnay Eebe nagu guuleeyay in aan uruurinno lacag gaareysa dhawr boqol oo kun oo Doollar oo si toos ah loogu wareejiyay guddiyadii hawshaas waday.” Ayay tiri Marwada Koowaad ee Dalka.

Munaasabaddu, intii ay socotay Marwada Koowaad ee dalka ayaa Shahaado Sharaf guddoonsiisay qaar ka mid ah haldoorka haweenka Soomaaliyeed ee dadaalka xooggan ku bixiya ilaalinta xuquuqda haweenka, midnimada, nabadda, daryeelka carruurta iyo kobcinta aqoonta gabdhaha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Xarunta Qaran ee Gurmadka…

February 24, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda oo ka qayb galay kulan looga hadlay la dagaalanka socdaalka sharci daradda ah

Tuunis (SONNA): Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Saciid Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caasimadda…

GudahaWararka
July 11, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliya…

GudahaWararka
December 5, 2025

Ciidanka XDS oo gacanta ku dhigay Horjooge Al-shabaab ah

Janaale(SONNA)--Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku soo dhigay Horjoogihii Al-shabab u qaabilsanaa saldhiga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha hoose.…

WararkaWargayska
March 21, 2020

Wasiirka Warfaafinta XFS oo tababbar u furay qaar ka mid ah Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa'uud Aweys Jaamac ayaa maanta tababbar u furay 30 Saxafi oo ka kala…

GudahaWararka
July 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023