Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
    Wasaaradda Cadaaladda oo Shaacisay Liiska Nootaayooyinka Sharciyeysan ee Sannadka 2026
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaWararka

Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 3, 2026
7 Min Read
Share

Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dalalka iyo hey;adaha caalamiga ah ee sida xilkasnimada leh u hor-istaagay damaca Israel ee ay ku doonaayeen in ay aqoonai u fidiyaan Maamulka Soomaaliland. Qoraal ay soo saareen Dowladda Soomaaliya ayaa mahadcelin ballaaran logu jeediyay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageeray madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Xukuumadda XFS oo ka duulaysa mas’uuliyadda dastuuriga ah ee saaran, waxa ay mudnaan gaar ah siisay adkaynta midnimada dalka, iyada oo qaadday tallaabooyin siyaasadeed, kuwo  sharci iyo hab diblomaasi ah oo lagu ilaalinaayo wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida Qaranka Soomaaliya.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ayaa 1-da bisha Janaayo ee sanadka 2026-a si rasmi ah ula wareegtay guddoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna muddada bisha ee lagu guda jiro noqon doonta dalka shir-guddoominaya  Golaha Ammaanka, waxaana la filayaa in ay hagaan kulamada muhiimka ah ee looga hadlayo nabadda iyo amniga caalamka. Tallaabadan ayaa ah mid taariikhi ah oo muujinaysa kororka doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo sida ay uga muuqanayso go’aannada caalamiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xilkaan uu yahay fursad qaali ah oo lagu muujinayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay hoggaan iyo kaalin muuqata oo caalami ah, iyadoo Guddoominta Golaha Ammaanka ee QM uu si wareeg ah ugu dhacdaa waddamada xubnaha ka ah  bil kasta, waxayna Soomaaliya ay haatan hoggaanka u hayso markii ugu horreysay muddo tobannaan sano ah. Tani waxay astaan u tahay dib-u-soo kabashada iyo horumarka laga gaaray xasilloonida iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiye mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa mar uu Salaadii Jimcaha ee shalay ka hadlayey Masjid Cali Bin Abii Dhaalib ee magaalada Stanbul  ayaa Natanyahu ku tilmaamey Fircoonka Xiligaan  sidaa darteed maalin waa loo Ciqaabi doonaa Caruurtii, Haweenkii iyo dadkii uu ku Xasuuqey Gaza.

“Annagoo ka shaqeyneyna ka difaacidda dalkeenna kuwa doonaya in ay ku xadgudbaan madaxbannaanidiisa iyo midnimadiisa, haddana taasi nagama mashquulineyso in aan ka shaqeyno soo saarista khayraadka dalka oo shidaalku ka mid yahay, si shacabkeennu u gaaro horumar iyo barwaaqo”, sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr> Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Istanbuul ee dala Turkiye oo ku qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah, kaddib wada-hadallo qotodheer oo ay si gaar ah u yeesheen dhiggiisa mudane Rajab Dayib Erdogan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uu ku saleysan yahay difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka, la dagaallanka argagixisada iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood leh, kuwaas oo saldhig u ah horumar waara iyo kor u qaadista nolasha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa ku dhawaaqay in natiijooyin rajo-gelin ah laga gaaray sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee badaha Soomaaliya, kuwaas oo astaan u ah marxalad cusub oo ku wajahan soo kabashada dhaqaale, abuurista shaqooyin iyo maalgelinta adeegyada aasaasiga ah.

“Sidii aan horay u ballan qaadnay waxaan u howl galnay sidii loo ogaan lahaa, loona soo saari lahaa khayraadka dalkeenna oo shidaalku ugu horreeyo. Alla mahaddii maanta waxaa noo bilaabatay miradhalka howshaas iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalkeenna. Waa guul weyn oo taariikhi ah. Guusha sahminta shidaalka waa guul qaran oo taariikhi ah, waxayna fure u tahay dib-u-dhiska qaranka iyo barwaaqada shacabka Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in kheyraadka dabiiciga ah uu leeyahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana maamulkiisu uu ku dhisnaan doono isla-xisaabtan, caddaalad iyo ilaalinta xuquuqda jiilasha mustaqbalka, waxaana shalay lagu shaaciyay magaalada Istanbuul in uu soo dhaqaaqi doono Markabkii qodo lahaa Gunta hoose ee Badda, si uu u soo saaro Shidaalka iyo Gaaska ceegaaga Badaha Soomaaliya, waxaana sidaasi shaaciya Wasiirka Tamarta ee Turkiye.

Turkiga ayaa sidoo kale soo gaba gabeeyay suurta galnimada iyo naqshadeynta Deked ay ka hirgelin doonto Soomaaliya, waxaana la bilaabay Wejigii koowaad ee dhismaha.

“Maalgashigii hore ee Turkiga ayaa u furay suuqa Soomaaliya si toos ah maalgashi shisheeye, gaar ahaan Shidaalka iyo Gaaska, iyadoo Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay noqoto waddan laga soo saaro Saliidda”, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay Warbaahinta qaranka Turkiga.

Dr. Xsan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii haysato taageerada beesha caalamka, inkastoo Israa’iil ay aqoonsan tahay Somaliland, balse Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in arrintani ay tahay mid xasaasi ah marka loo eego falkii ay Israa’iil dhawaan ka fulisay Bariga Dhexe, oo aan ahayn Falastiin oo keliya, balse sidoo kale Suuriya iyo Lubnaan, taasoo kor u qaaday welwelka ku aaddan ku lug lahaanshaha ay ku leedahay Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, oo uu ugu yeeray “gobol aad u kacsan,” iyadoo Soomaaliya ay horay ula dagaallameen Daacish (Daacish) iyo Al-Shabaab.

Waxaase is weydiin mudan waa maxay sababta mar walba oo ay Soomaaliya tallaabo horumar ah qaado ay u soo if baxa carqado badan ama loo qulbaa, kaasi oo ka yimaada dalal shisheeye?, sida kii Is Afgarad beenaadkii ay maamulka Soomaaliland la gashay Itoobiya 1-dii bishii Janaayo ee sanadkii 2024-kii, haatanna waxaa soo dig tiri Sahyuuniyadda Yahuuda, taasi oo ictiraaf beenaad damacsan inay siiso qeyb ka mid ah Gobolada Waqooyi Galbeed ee ka tirsan dhulka Soomaaliyeed oo ay dhammaan caalamku ka hor yimid arrintaasi.

Su’aashaasi jawaabteeda waa iska caddahay, oo Dadka arrimahaan odorasa ayaa waxay ku soo koobeen sidan, “waxay diidan yihiin inay Soomaaliya noqono dowlad awood badan ee ka dhisan dhinacayada siyaasadda, Millitari iyo dhaqaale, kadibna si weyn uga dhex muuqata fagaarayaasha caalamka, islamarkaana Tubta horumarka qaadda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

Jabuuti.SONNA….Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxkamadda ICJ oo diiday dalabkii Kenya, islamarkaana qaadaysa dacwadii Badda waqtigii loo balamay

The Hague (SONNA)- Ra’iisul Wasaare kuxigenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) ayaa shegay in Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ay…

Wararka
February 13, 2021

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo…

GudahaWararka
November 2, 2025

Yaa u cadow ah kooxda Khawaariijta

Muqdisho(SONNA):-Yaa u cadow ah kooxda Khawaariijta Kooxda khawaariijta ayaa cadow u aragta cid kasta oo damiir islaamnimo leh sida looga…

GudahaWararka
March 17, 2023

howlgal qorsheysan oo lagu dilay kooxo khawaarij ah oo ku sugnaa Sh/Dhexe

Muqdisho.SONNA…Ilaa 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa lagu dilay howlgal si gaar ah…

Gudaha
June 20, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023