Markab kuwa xamuulka qaada ah ,gaar ahaan saliidda shiidaalka iyo kiimikada oo marayay marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandeb ee kala qeybiya Bariga Afrika iyo Jaziiradda Carabta ee xeebaha Yemen ayaa lagu dhuftay gantaal lagu sheegay nooca lidka maraakiibta (ASCM).
Taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in markab lagu magacaabo Strinda oo laga leeyahay dalka Norway habeenimadii xalay lagu weeraray wax u muuqday nooca gantaalada Cruise missile-ka.
Bayaan ka soo baxay taliska dhexe ayaa lagu sheegay in Markabkaasi lagu weeraray wax lagu qiimeeyay in uu ahaa gantaalaha lidka maraakiibta (ASCM) oo laga soo tuuray aagga ay Xuutiyiinta maamulaan ee Yemen.
Markabka Strinda oo ah nooca qada saliida iyo kiimikada ayaa qayb ka ah maraakiibta shirkadda Mowinckels Rederi ee fadhigeedu yahay Bergen,wuxuuna ku sii socday Dalka Talyaaniga.
Ma jiraan wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha markabka, waxaana sidoo kale lagu guuleystay in ay damiyaan dab qabsaday markabkaasi sida ay sheegeen Aljaseera oo la xiriirtay Madaxa fulinta Geir Belsnes .
Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iran ayaa weerarro isdaba joog ah ku qaaday maraakiib marayey badda cas, waxayna sidoo kale bilaabeen in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo la beegsadaan ย Israa’iil,iyagoo dhinaca kalena ku hanjabay inay beegsan doonaan markab kasta oo ay rumeysan yihiin inuu u socdo ama ka soo socdo Israel.