Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay sadex qodob oo la la doonayo in lagu mideeyo caruurta iyo dadka muhaajiriinta ah ee lagu kala qeybiyey siyaasaddii maamulkii hore ee Donald Trump.
Qodobada la saxiixay ayaa waxaa kaloo ku jira in dib-u-eegis lagu sameeynayo ย barnaamijka dadka soo galootiga ee isaga ka horreeyey
Amarada Mr Biden waxaa sidoo kale ka mid ah in la sameeyo guddi isku daya inay mideeyaan carruur lagu qiyaasay 600-700 ee weli ka maqan qoysaskooda.
โMa sameynayo sharci cusub ee waxaan tirtirayaa siyaasad xumida ka dhanka ah qoysaska dadka soo galootiga ah iyo kuwa magangalyo doonka ahโayuu yiri Biden Madaxweynaha Mareykanka
Maamulkii hore ee Donald Trump ayaa sanadihii 2017-18. Waxa uu kala qrybiyay ama kala soocay dadka waaweyn ee aan sharciga lahayn iyo caruurta xilli ay doonayeen in ay ka soo tallaabaan xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico.