Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar
    December 1, 2025
    Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika
    December 1, 2025
    Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe
    December 1, 2025
    ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‡๐’๐‰ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š
    November 30, 2025
    Galmudug oo la wareegtay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay
    November 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadahaย (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Mareykanka oo Soomaaliya ka caawiyay weerarrada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Mareykanka oo Soomaaliya ka caawiyay weerarrada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Mareykanka oo Soomaaliya ka caawiyay weerarrada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 15, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Mareykanka ayaa lacag dhan 9 milyan oo dollar oo isugu jirta Hub, Gaadiid, Agab caafimaad iyo qalab kale siisay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay uga caawiyaan la dagaalanka kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Qalabkan oo si rasmi ah loogu deeqay xafladii 8-dii Janaayo ee sanadkan, ayaa isugu jirtay Gaadiid taageero iyo dhismo ah, Agabka qaraxyada, agabka caafimaadka, qalabka dayactirka gaadiidka iyo hubka. iyadoo Sahayda ugu badan loo raray dowlad goboleedyada Hishabeele iyo Galmudug, si loogu taageero ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

โ€œii ogolaw in aan dowladda Mareykanka u gudbiyo mahadnaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay siiso geeddi-socodka nabadeynta Soomaaliya iyo taageerada la dagaallanka argagixisada,โ€ ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, waxaa kaloo uu yiri:- “Taageeradan waxay ku soo beegantay waqti xasaasi ah ciidamadeena annagoo kor u qaadayna awoodooda dagaalka lagula jiro al-Shabaab.”

Markii la doortay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud May 2022-kii, dawladdu waxay ku dhawaaqday “dagaal guud” oo ka dhan ah ururka Argagixisada, kaas oo aafeeyay Qaranka muddo tobanaan sano ah.

Al-Shabaab waxaa ku adkaatay in laga adkaado, iyagoo isku dhex milay bulshada Soomaaliyeed hadafkooda ah abuurista dowlad Islaami ah oo xagjir ah. Wakaalada Wararka ee AP ayaa ku warantay in kooxdan xagjirka ah ay ku xeel dheeraatay ka faaโ€™iidaysiga kala qaybsanaanta qabaaโ€™ilka iyo inay malaayiin dollar ka qaataan ganacsiyada iyo beeralayda sanadkiiba, iyagoo doonaya inay ku soo rogaan khilaafada islaamka, iyadoo Muqaawamada ay weli tahay caqabada ugu weyn ee dhanka amniga ee dalka,ย  waxayna gacanta ku haysaa qeyboย  ka mid ah koonfurta dalka, waxayna sii waddaa weerarada halista ah ee ka dhanka ah Rayidka iyo Ciidamada Caalamiga ah.

Meelaha ay maamusho, Al-Shabaab waxay si gaar ah uga fulisaa tafsiirka shareecada, waxayna mamnuucday waxyaabaha ay ka midka yihiin filimada, muusiga, sigaarka, dharka reer galbeedka iyo xiiritaanka gadhka.

“Dhagax iyo googoyn ayaa lagula kacay dad looga shakisan yahay inay sinaysteen iyo tuugo,” ayay tiri Golaha Xiriirka Dibadda, “Isla markaa, kooxdu waxay mamnuucday la shaqeynta hey’adaha bani’aadamnimada, taasoo abuuraysa caqabad aad u xun oo ku wajahan abaaro aan horay loo arag.”

Abaaruhu waxay ku riixeen dadweynihii dalka inay qarka u saaran yihiin masiibo. Xayawaanku waa dhimanayaan, dalagyadii waa engegeen, malaayiin qofna waa ay gaajoonayaan. Abaaraha ayaa Soomaalida ku qasbay in ay isaga tagaan bulshada ay maamulaan Al-Shabaab oo ay raadsadaan guryo ku meel gaar ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tan iyo bishii Agoosto 2022-kii in ka badan 1,200 oo dagaalyahanno ah lagu dilay weerarrada Qaran ee soo cusboonaaday, inkastoo aan la xaqiijin karin wararkaas. Balse Wakaaladaha Wararka ayaa ku waramaya in shaqa joojintii ugu dambeysay ee Soomaaliya ay bilaabeen inay muujiyaan natiijooyin fiican.

Bishii Agoosto 2022-kii, dad deggan tuulo ku taal bartamaha Soomaaliya waxay ogaadeen in ciidamada Soomaaliya ay ka saareen dagaalyahannada al-Shabaab magaalooyinka deriska la ah, warbixintu waxay kaloo xustay in Koox yar oo ka mid ah dadka tuulada ay si qarsoodi ah ula kulmeen taliyeyaasha Ciidamada Soomaalida, waxayna ku heshiiyeen inay hubka qaataan, “ku biiraan maleeshiyaad maxalli ah oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Soomaalida ee dagaalladii miyiga ah ku qabsaday noocyo badan oo hub ah” Wakaaladda Wararaka Maraykanka AP ayaa tiri.

La taliyihii hore ee dhinaca amniga ee dowladda Soomaaliya Samiira Geyd ayaa sheegtay in taageerada shacabka ee ciidamada qaranka ay tahay mid cusub kadib sanado badan oo ay jireen cadaadisyo xagjir ah.

“Tani wali waa weerar cajiib ah maadaama, ay tahay markii ugu horreysay ee aan aragno baraarugga Muwaadin oo ay taageerto dowladda federaalka,” ayay u sheegtay AP. Horay Soomaalidu waxayย  daawaanayeen Ururo ay ka mid yihiin Midowga Afrika iyo ciidamo ka socda Itoobiya iyo Kenya oo daris la ah Soomaaliya.

Bishii Janaayo, in ka badan 300 oo Culimaaโ€™uddiin ah ayaa ku kulmay Muqdisho si ay ugu dhawaaqaan inay taageersan yihiin dagaalka uu dalka ka ka socda ee ka dhanka ah kooxda xagjirka ah, iyadooย  Idaacadda Codka Maraykanka ay sheegtay in kulankani uu yahay kii ugu horreeyey ee muddo sanado ah ay isugu yimaadaan culumaaโ€™udiinka Soomaaliyeed oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si ay uga dhiidhiyaan Argagixisada, waxaana ka qeybgalay xitaa kooxda Dariiqooyinka kala duwan.

“Waxaan ku faraxsannahay guusha ay ka gaareen ciidamada ammaanka Soomaaliya dagaalka taariikhiga ah ee ay ku xoreynayaan bulshooyinka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Al-Shabaab,” ayuu yiri Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andrรฉ. “Kani waa olole ay Soomaali hormuud ka tahay oo ay Soomaali la dagaalantay.”

ADF STAFF, Waxaa Turjumay oo Diyaariyay C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Muqdisho(SONNA);-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed Diri, ayaa magaalada Doha kulan kula…

December 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ku simaha Madaxweynaha Koofur Galbeed oo la kulmay Wasiirka Haweenka X.F ee Soomaaliya+sawirro

Baydhabo(SONNA) Ku simaha madaxweynaha Koofur Galbeed, ahna afhayeenka baarlamaanka, mudane Cali Saciid Fiqi iyo Wasiirka haweenka Soomaaliya, Xaniifo Maxamed Ibraahim…

Wararka
November 13, 2020

Ciidanka Xoogga oo howl-gallo ka fuliyay wadada isku xirta Sh/hoose iyo Baydhabo

Howlgal Si Wadajir ahย  ay uu sameeyeen Ciidankaย  kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Daraawishta Koonfur Galbeed ayaa…

Gudaha
July 2, 2021

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gado

Garbahaarey (SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulamo la qaatay…

GudahaWararka
December 22, 2024

Gudigga Qaranka ee Tacliinta Sare oo soo saaray liiska Jaamacado si deg deg ah loogu yeeray

Muqdisho (SONNA)-Ogeysiis ka soo baxay Gudigga Qaranka ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa lagu…

GudahaWararka
May 19, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023