Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Mareykanka oo Soomaaliya ka caawiyay weerarrada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Mareykanka oo Soomaaliya ka caawiyay weerarrada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Mareykanka oo Soomaaliya ka caawiyay weerarrada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 15, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Mareykanka ayaa lacag dhan 9 milyan oo dollar oo isugu jirta Hub, Gaadiid, Agab caafimaad iyo qalab kale siisay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay uga caawiyaan la dagaalanka kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Qalabkan oo si rasmi ah loogu deeqay xafladii 8-dii Janaayo ee sanadkan, ayaa isugu jirtay Gaadiid taageero iyo dhismo ah, Agabka qaraxyada, agabka caafimaadka, qalabka dayactirka gaadiidka iyo hubka. iyadoo Sahayda ugu badan loo raray dowlad goboleedyada Hishabeele iyo Galmudug, si loogu taageero ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“ii ogolaw in aan dowladda Mareykanka u gudbiyo mahadnaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay siiso geeddi-socodka nabadeynta Soomaaliya iyo taageerada la dagaallanka argagixisada,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, waxaa kaloo uu yiri:- “Taageeradan waxay ku soo beegantay waqti xasaasi ah ciidamadeena annagoo kor u qaadayna awoodooda dagaalka lagula jiro al-Shabaab.”

Markii la doortay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud May 2022-kii, dawladdu waxay ku dhawaaqday “dagaal guud” oo ka dhan ah ururka Argagixisada, kaas oo aafeeyay Qaranka muddo tobanaan sano ah.

Al-Shabaab waxaa ku adkaatay in laga adkaado, iyagoo isku dhex milay bulshada Soomaaliyeed hadafkooda ah abuurista dowlad Islaami ah oo xagjir ah. Wakaalada Wararka ee AP ayaa ku warantay in kooxdan xagjirka ah ay ku xeel dheeraatay ka faa’iidaysiga kala qaybsanaanta qabaa’ilka iyo inay malaayiin dollar ka qaataan ganacsiyada iyo beeralayda sanadkiiba, iyagoo doonaya inay ku soo rogaan khilaafada islaamka, iyadoo Muqaawamada ay weli tahay caqabada ugu weyn ee dhanka amniga ee dalka,  waxayna gacanta ku haysaa qeybo  ka mid ah koonfurta dalka, waxayna sii waddaa weerarada halista ah ee ka dhanka ah Rayidka iyo Ciidamada Caalamiga ah.

Meelaha ay maamusho, Al-Shabaab waxay si gaar ah uga fulisaa tafsiirka shareecada, waxayna mamnuucday waxyaabaha ay ka midka yihiin filimada, muusiga, sigaarka, dharka reer galbeedka iyo xiiritaanka gadhka.

“Dhagax iyo googoyn ayaa lagula kacay dad looga shakisan yahay inay sinaysteen iyo tuugo,” ayay tiri Golaha Xiriirka Dibadda, “Isla markaa, kooxdu waxay mamnuucday la shaqeynta hey’adaha bani’aadamnimada, taasoo abuuraysa caqabad aad u xun oo ku wajahan abaaro aan horay loo arag.”

Abaaruhu waxay ku riixeen dadweynihii dalka inay qarka u saaran yihiin masiibo. Xayawaanku waa dhimanayaan, dalagyadii waa engegeen, malaayiin qofna waa ay gaajoonayaan. Abaaraha ayaa Soomaalida ku qasbay in ay isaga tagaan bulshada ay maamulaan Al-Shabaab oo ay raadsadaan guryo ku meel gaar ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tan iyo bishii Agoosto 2022-kii in ka badan 1,200 oo dagaalyahanno ah lagu dilay weerarrada Qaran ee soo cusboonaaday, inkastoo aan la xaqiijin karin wararkaas. Balse Wakaaladaha Wararka ayaa ku waramaya in shaqa joojintii ugu dambeysay ee Soomaaliya ay bilaabeen inay muujiyaan natiijooyin fiican.

Bishii Agoosto 2022-kii, dad deggan tuulo ku taal bartamaha Soomaaliya waxay ogaadeen in ciidamada Soomaaliya ay ka saareen dagaalyahannada al-Shabaab magaalooyinka deriska la ah, warbixintu waxay kaloo xustay in Koox yar oo ka mid ah dadka tuulada ay si qarsoodi ah ula kulmeen taliyeyaasha Ciidamada Soomaalida, waxayna ku heshiiyeen inay hubka qaataan, “ku biiraan maleeshiyaad maxalli ah oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Soomaalida ee dagaalladii miyiga ah ku qabsaday noocyo badan oo hub ah” Wakaaladda Wararaka Maraykanka AP ayaa tiri.

La taliyihii hore ee dhinaca amniga ee dowladda Soomaaliya Samiira Geyd ayaa sheegtay in taageerada shacabka ee ciidamada qaranka ay tahay mid cusub kadib sanado badan oo ay jireen cadaadisyo xagjir ah.

“Tani wali waa weerar cajiib ah maadaama, ay tahay markii ugu horreysay ee aan aragno baraarugga Muwaadin oo ay taageerto dowladda federaalka,” ayay u sheegtay AP. Horay Soomaalidu waxay  daawaanayeen Ururo ay ka mid yihiin Midowga Afrika iyo ciidamo ka socda Itoobiya iyo Kenya oo daris la ah Soomaaliya.

Bishii Janaayo, in ka badan 300 oo Culimaa’uddiin ah ayaa ku kulmay Muqdisho si ay ugu dhawaaqaan inay taageersan yihiin dagaalka uu dalka ka ka socda ee ka dhanka ah kooxda xagjirka ah, iyadoo  Idaacadda Codka Maraykanka ay sheegtay in kulankani uu yahay kii ugu horreeyey ee muddo sanado ah ay isugu yimaadaan culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si ay uga dhiidhiyaan Argagixisada, waxaana ka qeybgalay xitaa kooxda Dariiqooyinka kala duwan.

“Waxaan ku faraxsannahay guusha ay ka gaareen ciidamada ammaanka Soomaaliya dagaalka taariikhiga ah ee ay ku xoreynayaan bulshooyinka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Al-Shabaab,” ayuu yiri Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André. “Kani waa olole ay Soomaali hormuud ka tahay oo ay Soomaali la dagaalantay.”

ADF STAFF, Waxaa Turjumay oo Diyaariyay C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka

Shirkadda difaaca Turkiga ee Bogazici Defence Technologies waxay soo jeedinaysaa dareenka warshadaha Difaaca Caalamiga ah (IDEF) 2025 oo leh habka…

CaalamkaMaqaalladaTechnology
July 27, 2025

 Madaxda Falastiin oo soo dhoweeyay in Chile ay safaarad ka furato  dhulka la heysto ee Falastiin

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa soo dhaweysay qorshaha Madaxda Dalka Chile ay ku doonayaan  inay safaarad ka furato dhulka…

Caalamka
January 7, 2023

maalinta calanka oo la maamuusayo

Munaasabado lagu maamusayo snadguurdii 65 aad ee kasoo wareegatay sameynta calankeena ayaa maanta kadhacaya meelo badan oo dalka iyo dibdaba…

Wararka
October 13, 2019

Safaardda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dadka ku xayiran Kenya dib ugu celinaysa Soomaaliya

Muqdisho:(SONNA)-Safaardda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dadka ku xayiran Kenya dib ugu celinaysa dalka Soomaaliya. Dadka la celinayo waxaa qasab…

Wararka
May 13, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023