Muqdisho (SONNA) Kadib shir jaraa’id ay kuย qabatay magaalada Muqdisho Danjiraha dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Marwo Linda-Greenfield Thomas ayaa kaga hadashey xaaladaha abaaraha Soomaaliya, lacago dheeraad ay oo Mareykanka kaga qeyb qaadanayo arrimaha gargaarka, iyo kulan ay la yeelatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“Maanta waxaaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo, in ka badan 40 million oo dollarka, kaasi oo dowladda mareykanku ay ugu talagashey in lagu kabo miisaaniyadda, gargarka ee Soomaaliya, iyadoo loo marsiinayo hay’adda USAID, taasi oo loo gutalagalay in lagu caawiyo dadka soomaaliyeed oo abaaraha ay saameeyeen, waxaana lagu kabay 1.3 billion oo horey loo qoondeeyey.”
Safiirka Qaramada Midoobay u fadhida dalka Maraykanka Marwo Linda-Greenfield Thomas ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen la dagaalanka Khawaarijta Alshabaab oo deegaano badan laga xoreeyey.
Shirka ay Safiirada la yeelatay Madaxda dalka ayaa waxaa uu daba socdaa kulankii arimaha Afrika ee diiradda aan ku saaray, sidii loo heli lahaa istraatiijiyada ku saabsan amniga, iyo sidaan gacan uga geysan karno, sidoo kale abaaraha qaabkii loo mareyn lahaa, waxaana ugu hambalyaynay dadaalka dowladda soomaaliya ay wado.
Muddo 15 sano ah kadib waa markii ugu horeysay wafdi heerkan ah oo ka socda Mareykanka oo yย Soomaaliya, ย xiligaasi oo uu dalku soo gaaray Johan kerry wasiirkii arrimaha dibadda ee Mareykanka.