Muqdisho-(SONNA)- Madaxwaynaha dalka Maraykanka ee muddo xileedkiisu sii dhamaanayo Donald.J.Trump ayaa amar ku bixiyay in qaar ka mid ah ciidamada Maraykanka ka jooga Soomaliya laga soo saaro ugu danbayn 15ka Janaayo ee 2021ka, ciidamada Maraykanka ayaa ku sugnaa Soomaaliya muddo dhan ugu yaraan 13 sano, si ay ula dagaallamaan maleeshiyaadka argagixisada ee Al- Shabbab.
Wargayska World Street Journal ayaa qoray Jimcadii shalay in madaxwayne Trump uu gaarsiiyay Wasaaradda difaaca Maraykanka ee Pentagon in ciidamada laga soo saaro Soomaaliya, kuwasi oo tiradoodu dhan tahay 700 askari waxaana loo wareejin doonaa saldhigyo ku yaalla dalalka Kenya iyo Jabuuti.
Masuul ka tirsan Gaashaandhigga Maraykanka oo diiday in magaciisa la xuso ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Maraykanku uusan dhabarka u jeedin doonin Afrika, islamarkaana ciidamada ku hari doona Soomaaliya ay joogi doonaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho