Muqdisho(SONNA)-Dawladda Maraykanka ayaa mar kale si aad u culus uga hor timid xad gudubka Ethiopia ee ka dhanka ah dalkeenna, wuxuuna ku tilmaamay ficilka Abiy Axmed mid halis ku ah xasilloonida gobalka, taas oo xagal daacineysa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
โRuntii wayna dhibeeysa arrintaasi, sida aan marar badan sheegnay, waxaan taageersannahay madax-bannaanida Soomaaliya iyo wadajirka dhulleed, waana in la ixtiraamo”ayuu yiri agaasimaha Warfaafinta ee Golaha Amniga Qaranka John Kirby.
Agaasimaha ayaa sheegay in heshiiska uu carqalad ku yahay dagaalka ay Soomaalida, Afrikaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gobolka ay kula jiraan khawaarijta.
“Xaaladdaan waxa ay keeneysaa qatar amniga Qaranka ah, taas oo ah mid dhiiri gelin karto xagjiriinta Al-Shabaab oo muddo dheer dagaallo arxan daran ka waday gudaha Soomaaliya” ayaa intaas ku daray John Kirby.