Xudur (SONNA)- Maleeshiyada xagjir ah ee Al-shabaab ayaa xalay saq dhexe weerar gardarro ah ku qaaday qoys Soomaaliyeed oo si nabad ah ku seexday, kaas oo deganaa degmada Xudur, waxaana ay laayeen ilaa 7-qof oo ilmo ay ku jiraan.
Dadka halkaasi lagu dilay ayaa ka koobnaa 3-Carruur ah, Hooyada reerka oo uur lahayd, Aabaha Qoyska, wiil mari ahaan ula joogay iyo gabar u shaqaynaysay, sida uu soo tabiyey wariyaha SONNA ee gobolka Bakool.
Tallaabadan ay maleeshiyadu ku laysay dadka birmagaydada ah ayaa tilmaan cad ka bixinaysa sida kooxdu ugu fogaatay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah, waxaana ay dhexdooda ka dhalisay khilaaf, ka dib markii horjoogayaal ka tirsan ay falkan ku sheegeen mid shacabka aad uga horkeenaya.
Dadka magaalada oo janaaso ku tukaday maydadka qoyska la laayey ayaa ku tilmaamay fal naxariis darro ah kii ugu murugada badnaa ee deegaankan ka dhaca.