Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxii Baxnaaninta Bukaannada Alshabaab oo la Xukumay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Madaxii Baxnaaninta Bukaannada Alshabaab oo la Xukumay
Wararka

Madaxii Baxnaaninta Bukaannada Alshabaab oo la Xukumay

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 16, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)- Axmed Cali Aybakar  oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshiyaha maleeshiyada Al-shabaab gaar ahaan in uu qaabilsanaa kooxda in uu  kaga kireeyo guryo magaalada Muqdisho kuwooda xanuunsan iyo in uu uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho  oo uu ku lahaa  wakaalad iyo kor joogtayn inta ay dib ugu noqonayaa maleeshyada.

Axmed oo ay ciidamada amniga xogtiisa hayeen ayaa laga soo qabtay mid kamid ah xarumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaa xilligaas lala qabtay Bukaan  Alshabaab ah  oo uu ku diiwaan geliyay in uu adeer u yahay

Bishii Luulyo ayay soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ayna baaris dheer ku soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 14-kii September, isla xilligaasi waxa uu garsoorayaasha  xafiiska  ka  codsaday in la geeyo eedeysanaha  xabsiga dhexe  garsuge ahaan.

Baaris dheer kadib ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 12-kii November , waxa ayna maxkamadda aqbashay 23-kii bishii tagtay.

Ugu horeynba  Maxkamadda ayaa u jeedisay eedda loo heysto Axmed Cali Aybakar ee ah ka mid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu u qaabilsanaa Alshabaab xanaaneyta bukaannada Al-shabaab kuwooda dhaawca ah iyo kuwa qaba xanuunada kale, isagoo u kirayn jiray guryaha iyada oo la isticmaalayo magiciisa wakaaladeed.

Axmed Cali Aybakar ayaa ahaa  shaqsi  ku iibiya agagaarka qubuuraha Barakaat agabka duugitaanka maydka loo isssticmaalo, waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in saaxiibkiis ay ka wada shaqeyn jireen waratada  dharka xilli hore uu ku qanciyay ku biirista Alshabaab, Axmed guryo ayuu u kireeyay bukaanno ay u soo direen Alshabaab, waxa uu geeyay xaruma caafimaad oo ku kala yaal degmooyinka Hodan iyo Yaaqshiid, sida uu ka hor sheegay fadhiga maxkamadda.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in eedeysanaha cimrigiisa oo kaga faa’ideystay dhagridda dadka, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in dadka ay ku ixtiraami jireen da’da uu jiro oo la siman 60-ka.

Maxkamadda ayuu weydiistay in laga qariyo bulshada maadaama uu suurad xumeynayo dadka waayeelka ah ee bulshada nuuc walba ay ku ixtiraamaan da’dooda.

Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa maxkamadda u sheegay in Axmed lagu cadaadiyay shaqada uu hayay, waxa uuna maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama uu da’ yahay.

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhagesiga kiiskan saacado ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradaha Qorshaynta iyo waxbarashada oo ka wada shaqaynaya horumarinta qorshaha waxbarasho ee dalka

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa kulan…

GudahaWararka
August 2, 2023

Diiwaan gelinta Musharaxiinta Madaxwayne ee Hirshabelle oo maanta la soo gabagabaynayo

Jowhar-(SONNA)-Diiwaan galinta musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle oo soo bilaabatay shalay ayaa maanta ku eg sida ay…

GudahaWararka
November 9, 2020

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabilay wafdi ka socday dowlad deegaanka Soomaalida “SAWIRRO”

Muqdisho  (SONNA)- Wafdi ka socday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo isuga jira heer Wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabelle iyo mas’uuliyiin…

Wararka
June 24, 2020

Madaxweynaha Pakistan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya

Islamabad (SONNA): Madaxweynaha dalka Pakistan mudane Asif Cali Zardari ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalkeenna Soomaaliya…

GudahaWararka
December 24, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023