SONNA (DIBADDA)– Madaxweynihii hore ee dalka Mali Ibraahim Abuubakar Keita ayaa geeriyooday isagoo 76 jir ah, sida ay qoyskiisa shaaciyeen maanta oo Axad ah.
Qoyska madaxweynaha oo bayaan soo saaray ayaa sheegay in madaxweyne Ibraahim ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Bamako, kaddib markuu xanuunsanaa bilihii lasoo dhaafay.
Ibraahiim Keita ayaa xanuunsaday kadib markii xilka laga tuuray, waxaana muddo lagu daweynaayay dalka Imaaraataka Carabta, isagoo markii danbe dalkiisa kusoo laabtay.
Ibraahim Keita ayaa guul weyn ka gaaray doorashooyinki dalka Mali ka dhacay 2013, waxaana dib loo doortay 5 sano.
Bishii august 2020, ciidamada dalka Mali ayaa afgenbiyay Ibraahim Keita, waxaana lagu soo eedeyay inuu wax ka qaban waayay dhibaatooyinka dalkaas ka jira.