Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh” Waxaan go’aansanay inaan kaashano shacabka Soomaaliyeed, inta aan sugi lahayn kaalmo shisheeye”,
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh” Waxaan go’aansanay inaan kaashano shacabka Soomaaliyeed, inta aan sugi lahayn kaalmo shisheeye”,
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh” Waxaan go’aansanay inaan kaashano shacabka Soomaaliyeed, inta aan sugi lahayn kaalmo shisheeye”,

By Dahir Aadan Cali
Last updated: September 2, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku howlan xaqiijinta Soomaaliya xasiloon oo ka caagan argagixisada ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay wajaheen cadowga, iyadoo qorshuhu yahay ciribtirka Khawaarijta ku harsan Dalka in lagu soo gabo-gabeeyo wejiga hore ee dagaalka,islamarkaana si dhaqso ah loo bilaabo wejiga labaad ee dagaalka, kaas oo Al-shabaab cabsi badan ka soo wajahday.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay go’aansadeen in iyadoo la kaashanayo shacabka Soomaaliyeed la qaado dagaal ka dhanka argagixisada, halkii la sugi lahaa kaalmo shisheeye iyo ATMIS. Dagaalkaas oo ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya dadweynaha Soomaaliyeed laga gaaray guulo waa weyn oo Khawaarijta looga xoreeyay dhul ballaaran oo hadda nabad iyo horumar laga dareemayo.

“Waxaan go’aansanay in aan kaashano shacbiga Soomaaliyeed halkii aan sugi laheyn kaalmo shisheeye iyo AMISOM, Abaabul badan kadibna guulaha la gaaray waxa ay ku yimaadeen in Shacbiga uu dagaalka Khawaarijta qeyb ka ahaa,”.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qiray in argagixisada laga sifeeyay deegaannada iyo degmooyinka maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle oo laga bilaabay wejiga hore ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta, Alle mahaddiina hadda shacabka labadaas maamul ay hoos harsanayaan necoowda Dowladnimada.

” Maanta Cowsweyne oo meeshii dagaalka laga bilaabay u jira 300-KM ayaa dagaalku marayaa, labo weji ayaa u qaadnay, wejiga koowaad labo Dowlad gobolleed, wejiga labaadna labo Dowlad gobolleed, labadan Dowlad gobolleed Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa noo sahlanaatay dabeecad dadka iyo dhul  meeshaas ka bilowba, meel wanaagsan ayuunna marayaa,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha oo muddo bil ka badan Dhuusamareeb iyo furimaha dagaal u jooga sidii looga miira dhalin lahaa aragtida ah in Al-shabaab laga ciribtito dalka ayaa ku dhiirageliyay geesiyaasha dalka iyo xooggaga dadweynaha in ay dadaalkooda sii laba jibaaran,islamarkaana ay dhow yihiin maalmihii wacnaa iyo mira dhalka halgankooda barax tiran.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa balan qaaday inuu dagaalka sii socon doono, ciidankana ka noqon doonin goobaha hadda cadowga laga xoreeyay.

“Dagaalka wuu soconayaa, ma istaagayo, meelaha aan joogno ka soo noqon meyno, hore ayaanan u soconeynaa. Guusha kama dambeysta ah ee aan raadineyno waan gaareynaa.”

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Duqa Muqdisho oo daah-furay mashruuc lagu naleynayo Caasimadda

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Barnaamijka (MAR KALE IFI MAGAALADAADA) oo…

GudahaWararka
May 2, 2023

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo saraakiisha amniga kala shiray xaalada gobolka Bakool ”Sawirro”.

Xudur (SONNA)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulan diirada lagu saarayey Dar-Dar gelinta Xaqiijinta Amniga iyo Dib ufurida Wadooyinka ay xireen…

Wararka
January 18, 2021

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulank Sanadeedka Guddiga Hagidda Dad-dhigista Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Guddiga Hagidda Dad dhigista iyo Tarakoobka Xaaladaha Madaniga ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali…

GudahaWararka
May 17, 2025

Saraakiil ka tirsan XDS oo faahfaahin ka bixiyay Jabkii gaaray Al-shabaab

Qoryooleey(SONNA)--Saraakiil ka tiran ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahiyay weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah iyo…

Wararka
February 19, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023