Riyadh-(SONNA)-Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamed ayaa sheegay in laga guuleystay kooxaha argagisada ee caqabadda ku noqday dadka Soomaaliyeed in ay helaan xuquuqdoodii asaasiga ahayd.
Madaxweyne Xasan oo wareysi dheer siiyay Jaridada Arab news ee laga leeyahay dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in laga guuleysanayo argagixisada, fursado badan oo maalgashi ahna uu waddanku leeyahay.
“Waxa aan ka guuleysanay kooxaha argagixisada ah ee dadka Soomaaliyeed u diiday in ay helaan xuquuqdooda”.
Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo lagu soo jiray halganka lagu xasilinayo Soomaaliya oo ay noqoto meel nabad ah ammaankeeduna fiican yahay, taas oo horseedi karta in awood loo helo maal gashiyo kala duwan.
“Guul ayaan hadda ka gaarnay dagaalka argagixisada, waxa aan ku jirnaa marxaladahii uga dambeeyey ee xasilinta, nabad gelyada iyo ammaanka Soomaaliya”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan tahay nadiif fursado badanna ay ka jiraan, isagoo tusaale u soo qaatay ka faa’iideysiga dhaqaalaha buluugga ah, dalagyada iyo cunnada, macdanta qeybaheeda kala geddisan.
“Soomaaliya waa nadiif, waa warqadaa cad, meel kasta fursad baa ku jirta, dhaqaalaha bulugga ah waa fursad, dalagga iyo cunnada waa fursad, macdanta, dahabka, Yuraniyamka iyo kheyraad kale ee aan qaniga ku nahay waa fursado, nooc walba oo kheyraad ahna waa laga helayaa Soomaaliya”.
Madaweynaha JFS Mudane, Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Soomaaliya leedahay dhul beereed fara badan kana mid ah waddamada ugu soo wax soo saarka badan dhanka dalagga haddii laga faa’iideysto, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay tahay safka hore ugu jirto waddama ugu xoolaha badan dunida sidaa daraaddeedna ay ku fiican tahay maal gashiga.
“Soomaaliya waxa ay leedahay ku dhowaad 9 milyan oo hectar oo dhul beereed ah iyo laba webi oo aan gurin sanadka oo idil iyo tiro wanaagsan oo xilli roobaadyo ah, waxa ay kamid tahay dalalka uga xoolaha badan Adduunka, sidaa darteed, Soomaaliya marka ay joogta dhanka maalgashiga waxa ay mareysaa cirka”.
“Soomaaliya waa kheyraad dihan oon la taaban, sidaas awgeed, kuwa kusoo hormara ayaa faaโido badan helaya, waxa aan ku casuumaynaa Addduunka, si gaara walaalaheenna Sucuudiga in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee yimaadda Soomaaliya isla markaana maalgashta”.