Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal khadka taleefanka la yeeshay Amiirka dowladda Qatar Amiir Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.
Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Sidoo kale, waxay ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo qadyadaha caalamiga ah ee hadda taagan.
Qatar waxa ay ka mid tahay dowladaha carbeed ee calaaqaadka wanaagsan uu kala dhexeeyo Soomaaliya, iyadoo qayb ah dadaalada dib u kabashada Soomaaliya.